Al-Shabaab oo fagaare ku toogatay rag ay ku eedeysay jaajuusnimo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa maanta fagaare ku yaala magaaladda Bu'aalle ee gobolka Jubada Dhexe waxay ku toogatay lix rag oo ay ku eedeysay jaajuusnimo.

Warbaahinta ku hadasha afka xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida ayaa baahisay in shaqsiyaadkaas lagu eedeeyay in ay la shaqeynayeen sirdoonka "dowlado shisheeye".

Wadamada la wariyey in ay u basaasayeen ragga la toogtay ayaa kala ah; Kenya iyo Mareykanka, si lamid ah waxaa la tilmaamay in ay wadashaqeyn kala dhaxeysa Xukuumadda Soomaaliya.

Caadiyan, kooxda marka ay fulineyso xukunada noocaan ah waxay isugu yeertaa ama ay u ogolaataa shacabka si ay u daawadaan.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashada maleeyshiyaadka Al-Shabaab oo kasoo baxay saddexda dowladood.

Talaabadaan ayaa kusoo aadeysa xili muddooyinkii dambe ay ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamka ay kordhiyeen gulufka balaaran ee ka dhanka ah ururka.

Gobolka Jubada Dhexe oo hoostaga dowlad goboleedka Jubaland ayaa kamid ah meelaha ay joogitaanka badan ku leedahay kooxda isla markaana ay si weyn uga dhaqan-galaan amarada ay soo saarto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM