Al-Shabaab oo "afduubtay" xaaska askari ka tirsan ciidanka Soomaaliya

Image

BELEDWAYNE, Hiiraan – Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa lagu waramay in ay gaari ka baxay Muqdisho kuna sii jeeday Beledwayne ay kala dageen marwada u dhaxda askari ka tirsan ciidamadda dowladda federaalka Soomaaliya.

Haweenaydan magaceeda aan wali lasoo bandhigin ayaa la fahansan yahay in ay wadatay cunug yar oo aan wali la ogaan jinsigiisa wiil ama gabar.

Sidda ay muujinayaan warbixinada dhanka ammaanka, afduubkan ayaa ka dhacay degaanka Mokoyle oo duleedka ka ah xarunta gobolka Hiiraan.

Askariga qaba haweenayda iyo cutubyo kale oo ka tirsan ciidamadda Beledwayne ayaa lasoo wariyey in ay aargoosi ahaan xabsi u dhigeen xaasaska dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab kuwaasoo ku nool magaaladdaas.

"Dhacdadan waxay lasoo tabiyey todobaadkan. Haweenkaas u dhaxa Al-Shabaab waxay xabsi ku qaateen dhowr habeen kadib waa lasii daayey kadib dedaalo ay sameeyeen maamulka degmada iyo gobolka," ayuu yiri sarkaal.

Maamulka gobolka Hiiraan oo ku guuldareystay in uu sharaxo sababta xaasaska xubnaha Shabaab loosii daayey ayaa ku gaabsaday "waa haween".

"Haweenayda afduuban illaa haatan lama ogga meesha la geeyay. Balse, waan hubin doonaa. Sidda loogala degay baabuurka iyo cidda farmuuqdey waa wax wali su'aal ka taagan tahay," ayuu yiri maamulkan oo la hadlay GO.

Ma cadda illaa hadda sababta dhabta ah ee loo qafaashay haweenayda cunuga sidatay. Balse, waxa kaliya ee la hubo waa in ay tahay afada askari dowladeed.

Xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida ayaa joogitaan culus ku leh degaanada hoostaga maamulka HirShabelle marka loo eego saameynta dhanka sirdoonka, waxaana ay ka fulisaa falal kasoo horjeeda nabad-gelyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM