Al-Shabaab oo "afduubtay" xaaska askari ka tirsan ciidanka Soomaaliya

Image

BELEDWAYNE, Hiiraan – Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa lagu waramay in ay gaari ka baxay Muqdisho kuna sii jeeday Beledwayne ay kala dageen marwada u dhaxda askari ka tirsan ciidamadda dowladda federaalka Soomaaliya.

Haweenaydan magaceeda aan wali lasoo bandhigin ayaa la fahansan yahay in ay wadatay cunug yar oo aan wali la ogaan jinsigiisa wiil ama gabar.

Sidda ay muujinayaan warbixinada dhanka ammaanka, afduubkan ayaa ka dhacay degaanka Mokoyle oo duleedka ka ah xarunta gobolka Hiiraan.

Askariga qaba haweenayda iyo cutubyo kale oo ka tirsan ciidamadda Beledwayne ayaa lasoo wariyey in ay aargoosi ahaan xabsi u dhigeen xaasaska dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab kuwaasoo ku nool magaaladdaas.

"Dhacdadan waxay lasoo tabiyey todobaadkan. Haweenkaas u dhaxa Al-Shabaab waxay xabsi ku qaateen dhowr habeen kadib waa lasii daayey kadib dedaalo ay sameeyeen maamulka degmada iyo gobolka," ayuu yiri sarkaal.

Maamulka gobolka Hiiraan oo ku guuldareystay in uu sharaxo sababta xaasaska xubnaha Shabaab loosii daayey ayaa ku gaabsaday "waa haween".

"Haweenayda afduuban illaa haatan lama ogga meesha la geeyay. Balse, waan hubin doonaa. Sidda loogala degay baabuurka iyo cidda farmuuqdey waa wax wali su'aal ka taagan tahay," ayuu yiri maamulkan oo la hadlay GO.

Ma cadda illaa hadda sababta dhabta ah ee loo qafaashay haweenayda cunuga sidatay. Balse, waxa kaliya ee la hubo waa in ay tahay afada askari dowladeed.

Xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida ayaa joogitaan culus ku leh degaanada hoostaga maamulka HirShabelle marka loo eego saameynta dhanka sirdoonka, waxaana ay ka fulisaa falal kasoo horjeeda nabad-gelyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM