Al-Shabaab oo gubtey Tuulo ku taalla Somalia, kana afduubtay 30 qof

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa gubtey Tuulo lagu magacaabo Ceel-Muluq, oo ku dhaw degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, Koonfurta dalka Soomaaliya.

Wararka uu Warsidaha Garowe Online ka helayo gobolka ayaa sheegaya in dagaalyahano hubeysan oo katirsan Al-Shabaab ay shalay gelinkii dambe weerar ku qaadeen Tuuladda, kadibna dab qabad-siiyay guryo ay dad shacab reer miyi ah ku noolaa.

Waxay xoogaga Al Shabaab ay qarax ku burburiyeen Ceel-biyood ku yaalla Tuuladda, oo dadka iyo duunyada ay biyaha ka cabi jireen, waxaana ay afduub u geysteen oo ay wateen ugu yaraan 30 qof, oo odayaasha degaanka ay ku jiraan.

Falkan oo dadka ku nool gobolka argagax geliyay ayaa ka dambeeyay markii Al Shabaab ay ku eedeysay dadka deganaa Tuuladda Ceel Muluq inay taageero siin jireen Malleeshiyada Macawiisleey, oo ah koox is-abaabushay oo dagaal kula jirta Al Shabaab.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay gurmad ciidan u fidin waysay malleeshiyaadka degaanka ee Macawiisleey, oo mudo dagaal kula jira Al Shabaab, oo ah koox argagaxiso oo khatar badan ku hayso amniga dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM