Al-Shabaab oo in ka badan 60 qof "ka qafaalatay" koonfurta Soomaaliya

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab ayaa lagu waramay in tuulooyin hoostaga magaalada Buur Hakaba ee gobolka Baay ay ka wateen in ka badan 60 qof oo shacab ah.

Sidda ay xusayaan warbixino damniga, xoogaga gacansaarka la leh ururka Al-Qaacida ayaa dadkaan u kaxeeyay dhanka degaanka Iidaale oo hoostaga isla gobolkaas ka tirsan Koonfur Galbeed.

Illo degaanka ah ayaa u sheegay Garowe Online in qafaalashada dadkaan ay ka dambeysay markii degaanka Lahoware ee isla gobolka uu dagaal ku dhexmaray Al-Shabaab iyo rayidka.

Dagaalkaas oo sababay khasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxaa abaabulay dadka degaanka, sidda ay sheegeen saraakiil ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

"Dagaalameyaasha Al-Shabaab waxay shuruud ka dhigeen sii deynta dadkaan in ay keenan dhalinyaro degaanka ee la dagaalantay kuwaas oo u baxsaday nafsadooda," ayay sheegeen saraakiil.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan falkaan maanta oo Isniin ah ka dhacay degmada Buu Hakaba oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab.

Dhanka kale, ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay, laba kelana waxy ku dhaawacmeen kadib qarax Miino oo isla maanta ka dhacay suuqa xoolaha lagu iibiyo degmada Buur Hakaba

Degaano iyo tuulooyin dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa sanadihii lasoo dhaafay kusoo badanayey ololaha iska caabinta Al-Shabaab ee ay hogaaminayaan dadka degaanka oo is-abaabulay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah.

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:19AM

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM