Al-Shabaab oo iska fogeysay warbixin ay qortay saxaafada Talyaaniga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab ayaa Khamiista maanta ah beeniyey in afhayeenkooda, Cali Dheere, uu wareysi siiyey wargeyska La Repubblica ee Talyaaniga.

Qoraal kasoo baxay xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa qormada jaraa'idkaas ku sifeeyay "been abuur aan sal raad lahayn ayna gedaal ka riixayaan siyaasiyiinta cunsuriyiinta ah ee Talyaaniga".

Sidoo kale, bayaanka oo koobnaa ayaa ku tilmaamay warbixinta uu joornaalka qoray "been abuur uu jeebkiisu kala soo baxay".

Horaantii todobaadkan ayay ahayd markii wargeyska La Repubblica uu wariyey in ay telefoonka kula hadleen Cali Dheere isla markaana uu xaqiijiyey in ay madax furasho ku qaateen sii deynta Silvia Romano.

Sidoo kale, majaladda ayaa Cali Dheere kasoo xigatay in lacagtaas ay u adeegsan doonan soo iibsashadda hub, tababarida ciidamadda, ku maareynta arrimaha ay dalka ka wadaan, saadka iyo sahayda.

War-saxaafadeed ay kooxdu ku beenisay warbixintaan oo ay sii deysay warbaahinta afkooda ku hadasha ayaanan lagu soo qaadin in ay madax-furasho ku qaateen sii deynta haweenayda iyo in kale.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa adeegsatay Caasha Romano oo ah magaca cusub ee ay haweenaydu la baxday kadib markii ay qaadatay Diinta Islaamka mudadii 18-ka bilood ahayd ee afduubka loo haystay.

Haweenaydan ka shaqeysa arrimaha samafalka ayaa bishii December ee sanadkii 2018-kii laga soo qafaashay meel ku dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya, waxaana badbaadinteeda ay soo afjartay walwal badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM