Al-Shabaab oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Daacish

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa ku dhawaaqday dagaal ka dhan Daacish, xilli labadan kooxeed ay ku dagaalameen dhowr jeer degaanno ku yaalla gobolka Bari ee Puntland.

Afhayeenka Al-Shabaab, Cali Maxamuud Raage [Cali Dheere] ayaa ku eedeeyay Daacish inay xad-gudubyo iyo tallaabooyin gurran, kuwaasoo ay kamid yihiin; Inay baneysteen dhiigga Muslimiinta, gaaleysiin iyo inay jabiyeen midnimada minditiinta.

Cali Dheere ayaa warbaahinta u akhriyay go'aanka kasoo baxay hogaanka sare ee Al Shabaab, kaasoo faraya dagaalyahanada Kooxda inay kahor tagaan wax uu ugu yeeray "cudur dilaa ah" islamarkaana weerar ku qaadaan saldhigyada Daacish ee Puntland.

Al-Shabaab ayaa ku tilmaantay garabka Daacish ee ka howlgala Puntland "Cancer" lagu dhex-abuuray howlgallada kooxaha jihaad-doonka ah ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Hadalka Cali Dheere ayaa kusoo beegmaya xilli Al-Shabab iyo Daacish uu dagaal ku dhexmary todobaadkan, iyagoo laga wada saarey Tuuladii ay isku hor-fadhiyeen oo ah degaanka Miraalle, oo ku dhaw Boosaaso gnacsiga Puntland ee Boosaaso.

Labada dhinac ayaa isku haya casnhuuraha baadda ah, ee ay kusoo rogeen degaanno badan, oo Muqdisho iyo Boosaaso ugu horreeyaan, waxaan Daacish lagu eedeey inay disho ganacsatadii diida amarkeeda lacag-bixinta.

Warar ayaa sheegay in dagaalyahanada Daacish ay ugu baaqeen dadka shacabka ah ee ku bool degaanada ay ku sugan yihin inay la difaacaan amiirkooda, C/qaadir Muumin, oo Al Shabaab horey uga soo goostay.

Mumin oo ah ninkii aas-aasay garabka Daacish ee Soomaaliya 2015 ayaa la sheegay inuu ku dhuumaaleysanayo buuraha  Cal-Miskaad, ee gobolka Bari.

Mareykanka ayaa duqeyn ka fuliyay Tuuladda Miraalle, oo ku dhaw magaalo xeebeedka Qandalla, ee gobolka Bari halkaasi oo Todobaadkan Daacish iyo al Shabaab ku dagaalameen.

Jimcihii lasoo dhaafay, al Shabaab ayaa dagaalyahano u dirtay buuraha Cal-Miskaad, waxayna isku dhaceen Daacish xilli ay ku sugnaayeen meel ceel-biyood ah. Saddex Daacish katirsanaa ayaa lagu dilay dagaalka,iyadoo mid kale nolosha lagu qabtey.

Maalintii xigtay, Daacish ayaa weerar ku qaadeen xubno katirsan Al Shabaab oo isku aruursanayay degaanka Miraalle, waxayna ka dileen 14 Al Shabaab ah, sida laguu sheegay wakaaladda wararka Daacish ee Amey News Agency.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Masar oo ka hadashay Qaraxii lala eegtay Dhalinyarada qoranaysay Askarta

Bayaanka Masar ayaa si cad u sheegay taageerada dowladda Masar ee hay’adaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka iyo ciidamada amniga.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 12:56PM

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM