Al-Shabaab oo "laga dilay" dagaalameyaal badan iyo saraakiil

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Milatariga Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab kaasoo ay ka fuliyeen tuulooyin ku dhow degaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, koonfurta waddanka.

Axmed Xasan Siyaad, taliye ka tirsan ciidamada howlgalka qaadey, ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in ay dileen toban dagaalame kuwaasoo ay kamid yihiin laba sarkaal wallow uusan shaacin magacyo.

Sidda laga soo xigtay Mr Siyaad, waxaa intii howlgalku socday ay ciidamadda dib u xorreeyeen degaano kala duwan oo xuduud la leh gobolka deriska ah ee Shabeellaha Dhexe balse ma carabaabin.

"Cadowga Ummadda Soomaaliyeed waxay wajahayaan cadaadis xoogan, waxaana ciidamadda sii laba jibaarayaan howlgaladooda," ayaa yiri, isagoo ka gaabsaday in uu ka waramo waxyeeladda soo gaarey dhankooda.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan howlgalka ama sheegashada ciidamadda oo kasoo baxay dhanka xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

Dhaqdhaqaaqyada ciidamadda oo u muuqda kuwa la laba jibaaray ayaa imaaneysa xilli ay soo dhowaaneyso waqtiga doorashada.

Madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo Maxmed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wuxuu ku guuldareystay in uu dhaqan-geliyo balanqaadkiisa in Al-Shabaab dalka uga saarayo laba sano taasoo dhaawici karta in uu soo laabto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM