Al-Shabaab oo lagu arkay degaan cusub oo ka tirsan Sanaag

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dagaalameyaal la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa lagu arkay degaanka Gacan Maroodi oo ilaa 40 KM u jira degaanka Yubbe oo dhaca gobolka Sanaag.

Laba qof oo dadka degaanka ah ayaa u sheegay VOA-da in "maleeshiyaadkaasi" ay ka yimaadeen dhinaca buuraha Golis.

Saraakiil dhanka amniga ah ayaa tilmaamay in Shabaab ay la hadleen dadka degaanka markii ay halkaas tageen.

Xubnaha gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa hadda ka hor degaankaas ka iibsaday cuntooyin markii ay tageen.

Ma cadda in Al-Shabaab ay socod ku mareen degaanka iyo inay ka dhiganayaan saldhig rasmi ah.

Ilaa haatan warsidaha Garowe Online suurtogelin in aan khadka telefoonka ku helno mas’uuliyiinta gobolka Sanaag.

Sanaag ayaa wuxuu kamid yahay saddex gobol oo ay isku haystaan Puntland iyo Somaliland, kuwaas oo kala ah; Sool iyo Ceyn ayna labada maamul u kala joogaan mas'uuliyiin ugu magacaaban halkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM