Al-Shabaab oo mas'uul dowladeed ku qalaafatay koonfurta Soomaaliya

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Al-Shabaab ayaa lagu waramayaa in maanta inta u dhaxeysa magaalooyinka Garbahaarey iyo Buurdhoobo ee gobolka Gedo ay ka afduubatay madaxii waxbarashada Jubbaland u qaabilsanaa gobolkaasi.

Dabley hubeysan oo aan tiradooda la ogayn ayaa Maxamed Ibraahim ay kala degtay gaari uu la socday, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta iyo dadka degaanka oo sababo amni u khariyey magacooda.

Lama xaqiijin karo halka lala aaday lahaystaha, balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ragga hubeysan oo afka u duubnaa ay u kaxeysteen dhinaca magaalada Jilib ee xarunta gobolka Jubada Dhexe.

Sidda ay Garowe Online u xaqiijiyeen illo wareedyo, Maxamed ayaa kasoo laabtay Buurdhoobe halkaasi oo Dugsiyo heerka sarre uu kusoo qaadey Imtixaanka dowlada isaga oo kusii jeeday Garbahaarey.

Laamaha amaanka oo xaqiijiyay in la qafaashay mas'uulkaan dowladeed ayaa shaaciyey in ay bilaabeen howlgalo ay isugu deyayaan sidii ay u soo furan lahaayeen, inkasta oo ay liidato rajadooda.

Xoogaga xiriirka la leh Ururwaynaha Al-Qaacidda illaa iyo haatan wax war ah kama uusan soo saarin falkaasi afduubka ah ee la sheegay in ay ka dambeyso.

Degaanada maamul goboleedyadda Jubbaland gaar ahaan gobolka Gedo ayaa wax caadi ka noqday afduubka ay Al-Shabaab kula kaceyso dadka wax galka u ah bulshadda halkaasi ku nool.

Dhowaan ayay ahayd markii magaalada Garbahaarey lagu afduubtay koox ka shaqeysa samafalka ah, inkasta oo aanan wali la kala caddeyn karin hadii xorriyadooda dib loogu soo celiyay.

Si lamid ah waxaa qaybo kamida isla gobolka horey loogu qafaashay Odayaal Dhaqameed kuwaasi oo ay ku eedeysan Al-Shabaab in ay kasoo horjeedaan fekerka kooxda argagixisada ah ee askareynta caruurta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM