Al-Shabaab oo qaadacdey talaalka Astra Zeneca ee Covid19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maleyshiyadda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa waxay qaadacdey talaalka safmareenka halista ah ee Covid19 gaar ahaan nooca Astra Zeneca, sidda ay ku baahisay saxaafada dhanka internet-ka ama online-ka ee faafiya wararka ururka.

Xoogaga hubeysan oo war-saxaafadeed gaar ah kasoo saarey qadiyaddan ayaa rumeysan in talaalka ay "waxyeeladdiisu ka badan tahay faa'iidooyinka laga sheekayo".

Halkii ay ahayd in ay soo saaraan dhakhaatiir ama saynisyahano, bayaanka dagaalameyaasha ee talaalka wuxuu kasoo baxay Xafiiska Siyaasadda iyo wax ay ugu yeerto Wilaayaatka oo ah goboladda.

Marka laga reebo in ay cuskatay diidmo kooban oo dalal Yurub ah ay ku sameeyeen, Al-Shabaab ayaanan soo bandhigin caddeymo ku saabsan sheegashooyinkeeda in talaalka Astra Zeneca uusan ahayn mid waxtar u leh dadweynaha.

Illaa haatan, mas'uuliyiinta caafimaadka Soomaaliya ayaan wali soo warin waxyeelo dadweynaha kasoo gaartey talaalka. Tanina waa xaqiiq mudan in hoosta laga xariiqo.

Maalmihii ugu horeeyay ee uu dilaacay Covid19, Al-Shabaab ayaa hoos-u-dhigtay khatarta fayruska.

Balse, sidda la sheegay, markii xubno ka tirsan kooxda uu haleelay, tirro badana u geeriyoodeen, waxay ku baraarugtay halista iyaddoo kasoo saartey go'aano culus.

Qeybtii ugu horeysay ee talaalka Covid19 ayaa Soomaaliya la keenay 15-kii bishaan Maarso. Sidda ay sheegtay wasaaradda caafimaadka, shixnadaas waxaa loogu talagalay 20% dadka Soomaaliyeed. Dowladda waxay bilowdey qeybinta talaalka iyo in gobolada gaarsiiso. Balse, go'aanka AlShabaab waa "caqabad horleh".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM