Al-Shabaab oo qabsatay degaan ay faarujiyeen ciidamada Kenya

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa la wareegay gacan ku haynta tuulada Buusaar ee gobolka Gedo, markii ay ka baxeen ciidamada Kenya.

Illo degaanka ah ayaa xaqiijiyay in xoogaga ka tirsan howlgalka AMISOM ay u ruqaansadeen dhinca dalkooda.

Lama ogga waxa keenay in ciidamada Kenya ay baneeyaan tuuladaasi oo noqonaysa degaankii labaad oo kamid ah gobolka oo ay faarujiyaan.

Labo todobaad kahor, waxay kasoo baxeen tuulada Faxfaxdhuun, halkaasoo ay durbadiiba la wareegtay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida.

Buusaar ayaa qiyaasyii 30 KM dhinaca bari uga aadan magaaladda Ceelwaaq ee gobolkaasi, kuna dhow sohdinta Soomaaliya iyo Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa gacanta ku hayey Buusaar tan iyo 2012-kii markaasoo ahayd sanad kadib xiligii ay soo galeen Soomaaliya.

Mas'uuliyiinta Jubbaland wali kama aysan hadlin arrintaan, balse waxay horey u muujiyeen baqdin ku aadan talaabada maanta lasoo wariyay.

Maxamuud Sayid Aadan, madaxwayne ku xigeenka koowaad ee maamulka Kismaayo, ayaa dalbaday in dowladda ay wax ka qabato arrintaan.

Arrimahaan ayaa kusoo aadaya iyada oo Jubbaland ay isku diyaarineyso doorashada madaxwaynaha iyo baarlamaanka oo bisha Agoosto loo mudeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM

QM oo ku baaqday in Soomaaliya dib u eegto sharciyada la-dagaalanka argagixisada, xilli xasaasi ah

Wuxuu xusay in dambiyo aan dil la xiriirin ay haddana keeni karaan xukun dil ah, taasoo aan la jaanqaadayn shuruucda caalamiga ah.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:09AM