Al-Shabaab oo saddex qof, oo uu ku jiro odey qoorta ka jartay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe qoorta ka jartay saddex ruux, oo midkood uu ahaa odey kamid ahaa ergadii doorashada Xildhibaanada ee sanadkii 2016.

Odeygan iyo Labada qof ee kale oo ay sheegtay Al-Shabaab inay ahaayeen Askar katirsan Militeriga dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu dilay goob fagaare ah, oo ku taalla degaanka Mubaarak, ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxay Al-Shabaab ku eedeeysay ragga ay dishay inay u basaasayeen ciidamada dowladda Soomaaliya, inkastoo eedeynta ay tahay mid hal dhinac timid, oo aaney jirin Maxkamad madax-banaan oo dadka kiiskooda dhageysatay.

Al-Shabaab, oo ah koox xiriir la leh Al-Qaacidda ayaa degaanada ay maamusho ka fulisa dilal ay geysato dad ay ku eedeyso inay basaasiin u yihiin sirdoonka dowladda Federaalka iyo dalalka ku lugta leh Soomaaliya, sida Mareykanka iyo Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM