Al-Shabaab oo si kulul uga hadashay Murashaxnimada Roobow

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa war culus kasoo saartey murashaxnimada Mukhtaar Roobow Cali [Abuu Mansuur], kaasoo u taagan jagada madaxwaynaha Koonfur Galbeed.

Murashaxnimadda Roobow oo markii hore ay shaki gashay markii dowladdu kasoo saartay bayaan culus ayaa ku adkeystay inaanu bedali doonin mowqifkiisa, taasi oo ku qasabtey dowladda inay ufasaxdo.

War qoraal ah oo kasoo baxay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ayaa lagu sheegay in murashaxnimadiisa ay arkaan mid uu kaga leexday wadadii saxda ahayd ee Diinta iyaga oo ku tilmaamay "mid radiyey".

Shabaab waxay la barbardhig Roobow, Madaxwayne hore, Burhanuddin Rabbani, Ra'iisul Wasaare hore, Gulbuddin Hekmatyar iyo siyaasi Abdul Rasul Sayyaf, kuwaasi oo reer Afghanistan ah.

Dhamaan xubnahani waxay horey mid ahaan jireen kooxo Islaami ah, oo ka dagaalam wadankaan Qaarada Aasiya ku yaala, iyaga oo kolkii dambe isku bedalay siyaasiyiin xil-raadis ah.

Su'aasha is-waydiinta mudan waxay noqoneysaa maxay Al-Shabaab usoo qaadan wayday shaqsiyaadka Soomaalida ah ee iyaga horey uga mid ahaan kooxaha Jidaah aloosyaasha ah ee kadib siyaasiyiin isku bedalay.

Sikastaba, Mukhtaar Roobow oo mudadii uu kamid tirsanaa Al-Shabaab soo noqday Hogaamiye ku xigeen iyo Afhayeen ayaa ka baxay Urur sanado kahor isaga oo ku dhuumaaleysanayey tuulo ku dhow degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Bishii August 2017 ayuu isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya, isaga oo tibaaxay inuu ka baxay fekeradii ay aaminsaneed Al-Shabaab, inkasta oo uusan cafis waydiisan dhamaan dadkii uu dambiga ka galay mudadii uu ka tirsanaan kooxdaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo Difaacay Warqaddii Ay U Direen Beesha Caalamka ee La Xiriirtay Khilaafka Doorashooyinka

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale ka digay in dowlad sii joogta xafiiska iyadoo muddo-xileedkeedu dhammaaday.

  • Soomaliya

    02-08-2026

  • 03:19PM

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM