Al-Shabaab oo toogatay nin lala xiriiriyey sirdoonka Mareykanka

Image

JOWHAR, HirShabelle – Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ayaa degmadda Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku toogtay nin lala xiriiriyey sirdoonka Mareykanka, sidda ay ku warantay warbaahinta kooxdaas.

Yaasiin Maxamuud Cumar ayaa si gaar ah loogu eedeeyay in uu "qandaraas kusoo qaatay gudbinta xogta saraakiisha xoogaga gacansaarka la leh shabakada argagixisadda ah ee Al-Qaacida ee ku sugan gobolkaas".

Sidda laga soo xigtay warbixinta ay baahiyeen war-fidiyeenka xoogaga hubeysan, Cumar ayaa "qirtay in sarkaal ka tirsan mukhaabaraadka Soomaaliya uu ku xiray saraakiisha CIA-da ee ku sugan xerada weyn ee Xalane".

"Waxaa loo balanqaadey in lasii doono kumanaan kun oo Doolar hadii uu ku guuleysto shaqadaas," ayay raacisay warbaahinta jihaad-aloosyaasha.

Hase ahaatee, ma aysan soo bandhigin muuqaalka Yaasiin iyo caddeymo kale oo xoojinaya sheegashadooda sidda cod ay kasoo duubeen.

Bishii lasoo dhaafay ee April 28-keeda ayay ahayd markii ay kooxdan xagjirka ah ku toogatay degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud saddex qof oo ay ku eedeysay in ay "jaajuus u ahaa sirdoonka Mareykanka".

Raggaas ayaa magacyadooda lagu sheegay; Axmed Nuuroow Maxamed Xeroow, 23–jir, Bashiir Maxamuud dhagool, 22-jir, iyo Bishaar Axmed Cabdulle Hooloow oo da'diisa lagu tilmaamay in ay ahayd 50-sano jir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM