Al-Shabaab oo weerar culus ku qaadey Ciidamada Ethiopia

Image

BUURHAKABO, Somalia - Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in 57 Askari ay ku dishay weerar gaadmo ah, oo maanta ay ku qaadey Kolonyo ay wateen ciidamada Eithiopia duleedka degmada Buurhakabo ee gobolka Baay.

Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxa uu ka dhacay Tuulo lagu magacaano Xawaal Aluundo, oo qiyaastii 20-Km dhanka galbeed uga beegan degmada Buurhakabo, waxaana ciidanka la weeraray ay kusii jeedeen magaalada Baydhabo.

Qaraxyo miinooyin ah ayuu ku billowday weerarka, iyadoo uu xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada Eithiopia iyo xoogaga Al-Shabaab, waxaana lagu soo waramayaa in labada dhinac uu soo gaarey khasaaro lixaad leh.

Saraakiisha ciidamada dowladda Somalia, ee gobolka Baay ayaa sheegay in sidoo kale ciidamo gurmad ah oo kasoo baxay Baydhabo lagu weeraray qaraxyo miinooyin ah, oo Al Shabaab wadada u gelisay.

Al Shabaab ayaa shaacisay in 7 kamid ah gaadiidka ciidamada Eithiopia ay ku gubtey weerarka, inkastoo illo madax-banaan oo Warsidaha Garowe Online la hadlay ay sheegeen in labo gaari ay gubatey.

Ciidamada cirka Eithiopia ayaa duqeyn xagga cirka ah ku qaadey degaan Al Shabaab saldhig ku leh oo lagu magacaabo Dalandoole, halkaasoo la rumeysan in laga soo abaabulay weerarka ka dhacay duleedka Buurhakabo.

Lama oga khasaaraha ka dhashay duqeynta, maadaama ciidamada Eithiopia ee ku sugan Somalia aysan lahayn Afhayeen u hadla sida kuwa ka socda dalalka Uganda, Kenya, Jabuuti iyo Burundi, ee qeyb ka ah AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM