Al-Shabaab oo weerar culus ku qaadey Ciidamada Ethiopia

Image

BUURHAKABO, Somalia - Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in 57 Askari ay ku dishay weerar gaadmo ah, oo maanta ay ku qaadey Kolonyo ay wateen ciidamada Eithiopia duleedka degmada Buurhakabo ee gobolka Baay.

Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxa uu ka dhacay Tuulo lagu magacaano Xawaal Aluundo, oo qiyaastii 20-Km dhanka galbeed uga beegan degmada Buurhakabo, waxaana ciidanka la weeraray ay kusii jeedeen magaalada Baydhabo.

Qaraxyo miinooyin ah ayuu ku billowday weerarka, iyadoo uu xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada Eithiopia iyo xoogaga Al-Shabaab, waxaana lagu soo waramayaa in labada dhinac uu soo gaarey khasaaro lixaad leh.

Saraakiisha ciidamada dowladda Somalia, ee gobolka Baay ayaa sheegay in sidoo kale ciidamo gurmad ah oo kasoo baxay Baydhabo lagu weeraray qaraxyo miinooyin ah, oo Al Shabaab wadada u gelisay.

Al Shabaab ayaa shaacisay in 7 kamid ah gaadiidka ciidamada Eithiopia ay ku gubtey weerarka, inkastoo illo madax-banaan oo Warsidaha Garowe Online la hadlay ay sheegeen in labo gaari ay gubatey.

Ciidamada cirka Eithiopia ayaa duqeyn xagga cirka ah ku qaadey degaan Al Shabaab saldhig ku leh oo lagu magacaabo Dalandoole, halkaasoo la rumeysan in laga soo abaabulay weerarka ka dhacay duleedka Buurhakabo.

Lama oga khasaaraha ka dhashay duqeynta, maadaama ciidamada Eithiopia ee ku sugan Somalia aysan lahayn Afhayeen u hadla sida kuwa ka socda dalalka Uganda, Kenya, Jabuuti iyo Burundi, ee qeyb ka ah AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM