Al-Shabaab oo weerartay fariisin ay leeyihiin ciidamadda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa lagu waramay in ay saaka weerareen fariisin ay ciidamadda milatariga Soomaaliya ku leeyihiin duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Illo wareedyo degaanka ah ayaa soo wariyey in weerarka uu isku rogay iska hor-imaad muddo socday oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, wallow aan la tirokoobin waxyeeladda guud.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in ciidamadda dowladda ay iska caabiyeen duulaanka isla markaana ay dib u celiyeen maleeyshiyaadkii weerarka gadiska ah ku ekeeyay fariisimahooda barta kontarool.

Maamulka degmada Balcad oo xaqiijiyey dhacdada ayaa ka gaabsaday in uu bixiyo tafaasiil dheeraad ah "sabab la xiriirta macluumaad dhameystiran oo aan laga hayn khasaaraha dhanka xoogaga hubeysan".

Saraakiisha ciidamadda xoogga dalka ayaa guulo ka sheegtay dhacdadaas, wallow aysan soo hadal-qaadin khasaaraha dhinacooda ah.

Dadka degaanka ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in caruur ay kamid yihiin shacab waxyeelo ay kasoo gaartay weerarkaas. Caruurta waxaa lagu waramay in ay haleeshay rasaasta labada dhinac.

Ma jiro wax warbixin ah oo ku saabsan iska hor-imaadka oo kasoo baxay dhanka ururka gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacidda.

Weerarkaan ayaa wuxuu kusoo aadayaa xilli ay baaritaan ku socota dil wadareedka degaanka Gololey oo hoostaga degmada Balcad loogu geystay sideed ruux oo shacab ah, kuwaas oo aysan caddeyn cidda beegsatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM