NISA oo sheegtay in Al-Shabaab ay yeelatay hogaamiye ku meelgaar ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee loo yaqaano NISA ayaa shaacisay in isbedel dhanka hogaanka ah uu ku yimid dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu xusay in Axmed Diiriye Abuu Cubeyda, madaxii kooxda, uu awoodiisa lagu wareejiyey Abuukar Aadan oo ahaa ku xigeenkiisa "sababo caafimaad darteed".

War-saxaafadeedkan kooban oo aan lagu soo bandhigin caddeymo ayaa lagu xusay in khilaafka u dhaxeeya labada garab ee kooxda u kala jabtay uu wali taagan yahay.

Is-mari-waagaas salka ku haya maamulka maaliyada iyo awood-qeybsiga ayaa kala geeyay Abuu Cubeyda iyo Mahad Karate, kamid ahaa ku xigeenadiisa ahaana madaxii Amniyaata ama mukhaabaraadka.

Sidda laga soo xigtay bayaanka hay'addan uu hogaamiyo Fahad Yaasiin Daahir, waxaa jira loolan u dhaxeeya Abuu Cubeyda iyo Karatee kaasoo salka ku haya magacaabida horjoogaha cusub.

"Sababo caafimaad awgeed, ayaa awoodii horjoogaha Maafiyada AS si KMG ah loogu wareejiyey Abukar Aden, oo ah ku xigeenkiisa, waxaana loolan culus ka dhaxeeyaa garabka Mahad Karateey & garabka Diiriye oo ku hardamaya sidii loo magacaabi lahaa horjooge cusub," ayay tiri NISA.

Marka laga soo tago sheegashada NISA, ma jiro wax war ah oo illaa haatan kasoo baxay dhanka xoogaga gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacidda.

NISA ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay ka warameysay xogaha Al-Shabaab dhexdeeda ah, arrintaas oo ay kala kulantay dhaleeceyn laguna booriyey in ay ka hortagto weeraradda ay kooxda ka fulineyso dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 06:02PM

Trump oo Koonfur Afrika ku eedeeyay tacaddiyo isagoo kor u haya sawir laga qaaday Congo

Trump oo hadal jeedinayay inta lagu guda jiray kulanka, wuxuu kor u qaaday warqado daabacan…

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 04:18AM