Khasaaraha weerarkii lagu dhaawacay Yariisow oo laga warbixiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab ayaa dusha saartay mas’uuliyadda weerarkii lagu dhaawacay duqa Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan [Eng Yariisow].

Gudoomiyeyaal degmo iyo mas'uuliyiin kale oo isugu jira heer degmo iyo mid gobol ah ayaa waxaa lagu waramayaa in lagu khaarijiyey dhacdadan. [Halkan ka akhriso]

War qoraal ah oo xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ku baahisay warbaahinta ku hadasha afkeeda ayaa waxaa lagu xusay in bartilmaameedka uu ahaa ergayga cusub ee Qaramada Midoobay.

James Swan ayaa daqiiqado kahor is-miidaaminta wuxuu ka baxay xarunta maamulka gobolka Banaadir ahna xafiiska Eng Yariisow oo uu ka dhex-dhacay weerarka, kaasi oo khasaaro culus geystay.

Shabaabku waxay intaasi ku dareen in xaaladda caafimaad ee Eng Yariisow ay tahay mid "khatar ah" balse dowladda ayaa shaacisay in haatan uu qaliin ku jiro, isla markaana uu dhaawaciisu "fudud yahay".

Sidda ay Garowe Online u sheegeen saraakiil dhanka ammaanka ah, qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay hoolka shirarka maamulka, halkaasi oo ay mas’uuliyiinta uga arrinsanayeen nabad-gelyadda caasimadda.

"Wali ma hubno in qaraxa uu yahay mid is-miidaamin ama in lagu diyaariyey gudaha hoolka shirarka," ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Tuulax, gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee gobolka Banaadir.

Tuulax ayaa ka gaabsaday in uu bidhaamiyo waxyeeladda guud ee ka dhashay weerarka, balse wuxuu xaqiijiyey geerida gudoomiyeyaal degmo iyo xubno kale oo sar-sare.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa u sheegay warbaahinta in lix ruux oo ay ku jiraan laba gudoomiye degmo iyo saddex agaasime gobol lagu dilay qaraxii Muqdisho.

Maxamed Cabdi Xayir ayaa wuxuu intaasi raaciyey in lix kale oo ay ku jiraan Eng Yariisow iyo gudoomiyeyaal kale ay ku dhaawacmeen is-miidaaminta.

"Hay'addaha ammaanka baaritaan ayey ku wadan weerarkan argagixisinimo," ayuu raaciyey Maareeye, oo ay hareer taagnaayeen mas'uuliyiin uu kamid yahay taliyaha booliska.

Qaraxan ayaa dhacaya iyadda oo ammaanka caasimadda aad loo adkeeyay isla markaana kontaroolada magaaladda lagu soo daabulay ciidamo dheeraad ah, kuwaasi oo hubinaya gaadiidka.

MUUQAALKA WASIIRKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta Mucaaradka u qaadacay Shirka Xasan Sheekh?

Go’aanka mucaaradka ayaa imanaya xilli uu sare u kacay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada.

  • Soomaliya

    09-06-2025

  • 09:31AM

Cali Jeyte oo ceeb ku tilmaamay hadalka Axmed Maclin Fiqi

Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule), Caddaw iyo Macallin Cumar ayuu sheegay Wasiirka difaaca DF Axmed Maclin Fiqi in lagu dilay howlgalka.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 12:28PM