Al-Shabaab oo "laaluusheysa" odayaasha dhaqanka Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Wargeyska The Star ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa warbixin uu qoray wuxuu ciwaan uga digay "AlShabaab oo laaluusheysa si ay Xildhibaano ugu hesho doorashadda 2020-ka".

Soomaaliya ayaa qaban-qaabadii ugu dambeysay waxay ugu jirtaa coddeyntaasi oo aad loogu rajo weyn yahay in ay noqoto mid qof iyo cod ah, wallow shaki la gelinayo suurtogalnimadda arrintaasi.

Qoromada jaraa’idka ayaa lagu soo xigtay illo wareedyo aanan la magacaabin kuwaasi oo badankooda ah odayaal dhaqameedyo dhowaan u tegay AlShabaab markii lagu amray in ay yimaadan.

Odayaasha oo muddo 20-maalmood lagu haystay goob aanan ogeyn oo dalka ka tirsan ayaa waxaa la sheegay in lagala soo xaajoodey arrimo quseeya doorashooyinka wadanka kusoo fool leh.

"Waa nala siiyey dhar iyo lacag, waxay kaloo noo balanqaadeen in ay bil kasta na siinayaan $300, balse ay ku xiran tahay hal shuruud oo ah in aan sameyno waxay iyaga nagu armaan," ayuu yiri oday.

Inkasta oo ay jirto rajo ah in laga gudbo 4.5, haddana waxaa lagu waramayaa in maleyshiyaadka gacansaarka la leh Al-Qaacida ay isku dayeyso in ay saameyn ku yeelato coddeynta soo aadan.

"Waxay noo shegeen in dalka ay qaadanayaan Gaalo, sidaasi darteeda aan badbaadino. Wali waxaan sugeynaa amarkooda," ayuu yiri Oday Dhaqameedka oo magaciisa ka gaabsaday.

Walwalka ugu badan ee haatan jira ayaa ah musuq-maasuqa la sheego in uu ka dhex-jiro doorashooyinka Soomaaliya, kaasi oo ah kuraasta baarlamaanka iyo madaxweynaha dhaqaalo lagu bixiyo.

Barnaamijka Bandhiga ee VOA-da ayaa baahiyey in argagixisada ay dhaqaalo badan ka hesho lacagaha baada ah oo ay ganacsato ka qaado, taasi oo u sahleysay in ay ku iibsadaan kuraas baarlamaani ah.

Iyadda oo uu walaacaan jiro, dowladda iyo guddiga doorashooyinka ayaa bilaabay qorshe ay xubnaha AlShabaab uga hortagayaan in ay noqdaan Xildhibaan kaba sii daran in ay helaan madaxweyne.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM

Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay xayiraadda Baasaboorka Taiwan Iyadoo uu Cadaadis Saaray Mareykanka

Taiwan iyo Somaliland labaduba waxay sheegtaan inay yihiin dalal madax bannaan — mid ka go’ay Shiinaha iyo mid ka go’ay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 01:30PM