AlShabaab oo shaacisay tirada odayasha 'fuliyay' amarkooda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xoogaga Al-Shabaab ayaa shaaciyey tirro odayaal dhaqameedyo ay sheegeen in ay "u hogaan-sameen" amarkooda, isla markaana ay "is-diiwaangeliyeen".

Warbaahinta ku hadasha afka kooxdan xiriirka la leh Shabakadda Al-Qaacidda ayaa lagu xusay in ay amarkooda qaateen 159 nabadoon oo ku kala nool goboladda Soomaaliya.

Marka laga reebo dowladda Puntland, Shabaabku waxay soo bandhigeen tiradda maamul walba oo kuwa waddanka ka jira ah oo ay shaaciyeen in ay"towbad keeneen".

Sidda ku xusan warbixinta, maamulka ugu badan ee ay odayaasha iska soo diiwaan-geliyaan ayaa wuxuu yahay HirShabelle, kaasi oo ay ka yimaadeen 53 oday.


Saamiga maamulada iyo odayaasha fuliyey amarka AlShabaab

Jubbaland: 33 Oday Dhaqameed

Hirshabelle: 53 Oday Dhaqameed

Koonfur Galbeed: 40 Oday Dhaqameed

Galmudug: 33 Oday Dhaqameed


"Odayaasha degaanadda Puntland waxaa towxiidka looga qabtay khadka telefoonka," ayay warbaahinta Al-Shabaab kasoo xigatay sarkaal khariyey magaciisa oo ka tirsan maleyshiyaadkaasi.

Horaantii bishan, 15-ka July, ayay ahayd markii ay Al-Shabaab soo saartay amar ay ku fareyso Odayaal Dhaqameedyadda ka qaybgalay doorashadii 2017-kii in ay si degdeg ah ku yimaadan degaanada ay maamulan.

Bayaanka ayay ku sheegtay Al-Shabaab in ay khaarijin doonto odayaasha aanan u hogaan-samin fariintooda, inta fulisana ayay sheegtey in ay "ammaan siin doonto".

Taliska Booliska maamulka Koonfur Galbeed oo uga digay cuqaasha in ay u hogaan-samaan amarka Al-Shabaab ayaa shaaciyey in Nabadoonkii dhaqan-gelin xabsi la dhigayo, marka uu soo laabto.

"Waxay bad-baadin karaan ma jirtee, kaliya waxay ka doonayaan dhaqaale ama waxay rabaa in ay ku dhahaan 'Keena qorri iyo rasaastiisa' maadaama ay saanad u la'yihiin askarigii ay qorteen," ayuu yiri taliska.

Al-Shabaab oo wali gacanta ku haysa qaybo kamid ah gobolada Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay in ay u suurtogelineyso dhaqal-qalka amarada ay soo saaran oo xitaa ka fula Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM