Al-Shabab oo gacanta looga dhigay deegaan hoos taga degmada Beled-Xaawo

Image

Balad-Xaawo [ GAROWE ONLINE]- Ciidanka AMISOM ee ku sugan Gobalka Gado kana socda dalka Kenya ayaa deegaan ay gacanta ku hayaan kooxda Alshabab la wareegay ka dib dagaal socday mudo halsaac wax ka yar oo labada dhinac dhexmaray.

Deegaanka ay ciidanku la wareegaan ayaa la yiraahdaa Gadoon-dhawe oo 45 km u jirta degmada Beledwaaxo ee xarunta Gobalka Gado iyadoona masuuliyiin ka tirsan Ciidanka Kenya ay sheegeen inay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Alshabab.

Taliyaha ciidanka Amniga Degmada Beled-xaawo Ismaaciil Koofi oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa warkan xaqiijiyay wuxuna sheegay inay kala wareegeen koox yar oo Alshabab ka tirsan.

Masuulkan ayaa sheegay inay tahay degmada xaaladeeda mid wanagsan ayna ku rajo wayn yihiin inay sii xoojiyaan dadaalka lagu damacsan yahay in lago soo afjaro kooxda Alshabab oo xiriir dhow la leh Alqaacida.

Dadka degan Gadoon-dhawe ayuu Taliye Koofi ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyana ciidankan AMISOM ee deegaanka ka qabsaday ururka Alshabab.

Kooxda Alshabab ayaa laga saaray magalada Muqdisho 2011 ka dib markii dagaalo ka dhan ah lagu qaado balse wali waxay ku xoogan yihiin gobalada dhexe iyo qaar ka mid ah Koonfurta.

GAROWE ONLONE

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga oo booqday saldhigga ciidamada Itoobiya ee Baydhabo

Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee lagu xoojinayo xiriirka saaxiibbada caalamka.

  • Soomaliya

    06-04-2026

  • 03:20PM

Xasan Sheekh oo Baydhabo kulamo kawada xilli loolan loogu jiro Kursiga Madaxweynaha KG

Dhankooda, odayaasha dhaqanka ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada iyo dadaallada dowladda.

  • Soomaliya

    05-04-2026

  • 02:30PM