Amar kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada oo si adag looga hor-yimid

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Senator ka tirsan Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wuxuu si adag u dhaleeceeyay amarkii shalay ay bixisay Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sidda.

Abshir Maxamed Axmed [Abshir Bukhaari], ayaa amarka ku qeexay mid "halis ugu yahay sarreynta sharciga, karaamada aadanaha iyo xaqa uu u leeyahay muwaadinku in uu noolaado".

Mr Bukhaari oo ah gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaas, ayaa hadalkaan wuxuu kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee xiriirka bulshadda, Facebook.


Hoos ka akhriso qoraalkiis oo dhameystiran

ILAALINTA SAREYNTA SHARCIGA

Waxaan i soo gaartay maanta farriin ay soo dirtay SONNA oo u qoran sidan:

"Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa amar ku siisay ciidanka Xoogga Dalka dilka maleeshiya kasta oo diidan deganaanshaha degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/Hoose".

Hadaba aniga oo si adag u canbaareynaya isla markaasna garawsan in dhibaatadda ka dhacday Walaweyn ay mudantahay in si adag looga hortago iyadoo hay'adaha dawlada Federaalka ah iyo kuwa dawlad goboleedkuba ay qaadanayaan waajibaadkooda uga aadan arrintaas ayaa waxaa dib-u-socodnimo xag dawladnimo iyo xag sharci intaba ah:

In dilka muwaadiniin Soomaaliyeed uu ku soo baxo amar aan lagu gaaran hannaan sharci iyada oo aan weliba la ogeyn muuqa, magaca iyo tirada dembiilaha ama dembiilayaasha dilka ku xukuman.

Dilka muwaadinku waxa uu leeyahay hannaan caddaaladeed oo ku qeexan xeerarka Dalka.

Amarka Maxkamaddana waxa uu si cad halis ugu yahay sarreynta sharciga, karaamada aadanaha iyo xaqa uu u leeyahay muwaadinku in uu noolaado taas oo ah xaq assaasi ah oo ku qeexan Dastuurkeena.


Colaada degmadda Wanlaweyn oo galaaftay nolosha ku dhowaad 20 qof oo u badan shacab ayaa abuurtay carro bulshada dhexdeeda ah, iyaddoo madaxda qaranka ay soo jeediyeen joojinteeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM

Saraakiil Soomaali ah oo ku dhow Xasan Sheekh oo wajahaya xayiraado safar - XOG

Waddamada reer Galbeedka ayaa bilihii u dambeeyay xoogga saaraya doorka caasimadaha Afrika ee deriska la ah Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 12:23PM