Amar la dul dhigay askarta DF ee ka cabanaysa mushaar la'aanta

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha milatariga Soomaaliya ayaa faray askarta in aysan ka tagi karin goobaha ay dowladdu ku diiwaan-gelisay, isaga oo amray saraakiisha in ay fuliyaan amarkaasi.

Daahir Aadan Cilmi [Indhaqarshe] ayaa si cad u sheegay in askarigii kasoo taga aaga lagu diiwan-geliyay isla markaana taga goob kale uusan heli doonin xuquuqda uu dowladu ku leeyahay.

Mr Indhaqarshe oo hadalkiisa sii wata ayaa soo bandhigay afar qodob oo uu xusay in kaliya askariga ku seegi karo diiwaan-gelinta ay xukuumada wado, taasoo kala ah sidaan soo socota.

1. Geeri

2. Dhaawac

3. Tababar

4. Fasax sharci ah

"Nin kastoo ka tirsan ciidamada xooga ee la diiwaan geliyay ama la diiwaan-gelin doono waa in uu ku fekeraa in ay waajib tahay in uu joogo goobtii ay dowladda ugu talagashay, cidii aan joogi iyaday kamid ma ahan," ayuu raaciyay.

Hadalka taliyaha ayaa imaanaya xili todobaadyadii u dambeeyay degaano ka tirsan gobolada Shabeellaha Hoose iyo Dhexe ay kasoo baxeen fariisimahii ay kaga jireen cutubyo ka tirsan ciidamada xooga Soomaaliyeed.

Askarta oo kahor inta aysan soo faarujin saldhigyadooda kasoo muuqday muuqaalo baraha bulshada lagu faafiyay ayaa tibaaxay in ka cabanayaan mushahar la’aan haysata bilooyinkii lasoo dhaafay.

Ra’iisul wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre, ayaa isbuucaan sheegay in dowlada ay siisay qaar kamid ah ciidamada gunadooda, inta harsana ay yihiin kuwa aanan la diiwaan-gelin, howshoodana ay socoto.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo hadalka Khayre ka falceliyay ayaa su'aal geliyay, waxayna ku tartarsiiyeen wasiirka koowaad iyo xukuumadiisa in ay is-casilaan, maadaama "ay ku fashilantay amniga iyo mushaarka ciidamada."

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA TALIYAHA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM