AMISOM oo wajahaysa cadaadis iyo cambaareyn [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya [AMISOM] ayaa dhexda uga jira mushkilad culus, kadib markii Ciidamo u dhashay Burundi ay Muqdisho ku dileen afar qof oo shacab ah Talaadadii lasoo dhaafay.

Hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa cambaareysay dilka shacabka, waxayna AMISOM ugu baaqday inay baaritaan dhab ah ku sameyso kiiskan.

Amnesty International ayaa dalbatay in cadaaladda lasoo taagi Askartii ka dambeysay toogashada afarta ruux ee shacabka ah, taasoo ka dhacday nawaaxiga Ex-control Balcad ee degmada Heliwa.

Goobjooge-yaal ayaa u sheegay hay'adda inay arkeen ciidamada Burundi oo rasaas ku furay afar qof oo aan hubeysnayn oo ku sugnaa meel aan sidaasi uga fogeyn goob lagu qarxiyay kolonyada AMISOM.

Ciidamada Burundi ayaa tacshiiradda ku furay markii miino wadada qarkeeda lagu aasay ay haleeshay mid kamid ah gaadiidkooda xilli ay yimaadeen dhanka xerada Maslaxa, kuna sii jeedeen Xalane.

"Dilka argagaxa leh ee ay geysteen askarta mas'uuliyadoodu tahay inay difacaan shacabka waa in si buuxda, oo madax-banaan u baarto AMISOM, iyadoo cadaaladda lasoo taagayo kuwii fuliyay," ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartey Human Rights Watch.
AMISOM oo ka jawaabtey eedeymaha iyo dalabka Amnesty International ayaa sheegtay in aysan indhaha ka laaban doonin falkan, islamarkaana fulin doonto cadaaladda, waxaana ay ka dirtay dilka tacsi.

"AMISOM waxay ka qoomameynaysaa dhimashada rayidka, waxayna tacsi u diraysaa eheladooda, ma nasan doono illaa aan ka ogaano xaqiiqda, cadaaladdana fulino," ayaa lagu yiri qoraalka AMISOM.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaa Muqdisho lagu qabtey dibadbaxyo looga soo horjeedo dilka AMISOM ay shacabka u geysatay, iyadoo dowladda Federaalka madaxdeeda ay dhacdadan war kasoo saareen.

War-Saxaafadeed shalay ay soo saartey Xukuumadda Soomaaliya ayaa camabaareeyay dilka afarta qof, waxayna ugu baaqday AMISOM inay baarto xilli ay dhacdan cabsi ku abuurtay shacabka Muqdisho oo dilal kala kulma ciidamada DF iyo kuwa AU.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM