Amnesty oo kahor timid go'aanka DF ay ku xirayso Baraha Bulshada

Image

NAIROBI - Hay'adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa kahor timid go'aankii Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya, C/llaahi Goodax ee lagu xirayo Baraha Bulshada [Social Media].

Agaasimaha Amnesty ee Bariga Africa, Seif Magango ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay tallaabadan bulshada ku dhawan gudaha Soomaaliya looga xirayo baraha ay ku xiriiraan ee Internet-ka.

"Waa wax aad looga xumaado in dowladda ay ku fekerayso inay xirto xiriirka baraha bulshada gebi ahaan dalka oo dhan kadib markii ay ku guuldareysatay waajibka ka saaran inay ilaaliso xogta imtixaanada," ayuu yiri Seif Magango.

Seif Magango ayaa ugu baqay dowladda Soomaaliya inay sameyso tallaabooyin kale oo ay ku ilaalinayo imtixaanka xogtiisa, iyadoo aan ku dhaqaaqin fal caburin ah oo dadweynaha looga hor istaagayo xaqa ay u leeyihiin inay xog helaan, islamarkaana fekerkooda ku cabiraan.

"Imtixaan ayaa la xadayaa ma ahan wax loogu cudur-daari karo in la xiro baraha bulshada, oo bulshada laga hor-istaago xaqa ay u leeyihiin inay macluumaad helaan iyo xoriyadda hadalka," ayay Amnesty u sheegtay dowladda.

Hadalka Amnesty ayaa yimid kadib markii Wasiir Goodax uu sheegay in mudo 5 maalmood ah la xiri doono baraha bulshada [27-ka illaa 31-ka May], si looga hortago in la xado imtixaanada mideysan.

Amnesty ayaa go'aankan ku tilmaantay mid dhaawacayo xeerarka xuquuqul insaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM