António Guterres oo baaq cusub kasoo saarey xaalka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xoghayaha guud ee Qaramadd Midoobay, Antonio Guterres, ayaa walaac ka muujiyey xaaladda ay haatan ku sugan tahay Soomaaliya, sidda uu sheegay Farhan Haq, oo ah Ku Xigeenka Afhayeenka Xoghayaha Guud.

Farxaan oo war qoraal ah soo saarey ayaa shaaca ka dhigay in Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ay ku baaqeyso in degdeg loo dhameyatiro heshiiska doorashooyinka heer Qaran ee 2020-21.

"Xoghayaha Guud wuxuu aad uga walaacsan yahay rabshadaha ka dillaacay magaalada Muqdisho. wuxuuna ugu baaqayaa dhinacyada oo dhan inay is xakameeyaan ayna is dejiyaan," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Xoghayaha Guud wuxuu ku boorinayaa Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka inay si deg deg ah kulan isugu yimaadaan oo ay dhameystiraan heshiis siyaasadeed oo ku saabsan sidii hore loogu socon laha doorashooyinka qaran, iyadoo la waafajinayo heshiiskii doorashada ee 17ka Sebtembar".

"Xoghayaha Guud wuxuu kaloo ku baaqayaa in si buuxda loo ixtiraamo xuquuqda isu imaatinka nabadda ah iyo xorriyadda hadalka," ayuu hoosta ka xariiqay.

War-saxaafadeedka ayaa lagu soo xiray: "Wuxuu mar kale ku celinayaa taageerada buuxda ee Qaramada Midoobay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan hannaanka nabadda, xasilloonida iyo barwaaqada".

Hadalka Guterres ayaa wuxuu imaanaya saacado kahor shirka Golaha Ammaanka ka yeelanayo xaaladda Soomaaliya kaasoo uu warbixin ka jeedin doono ergayga UN-ka, James Swan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM