Aqalka Sare oo ansixiyey sharci ay qaadaceen maamulada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mudaneyaasha Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah kulan ku yeeshay Muqdisho.

Fadhiga oo ay kasoo qeybgaleen inta badan xubnaha golaha ayaa waxaa gudoomiyey afhayeenka Aqalka, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Guddomiye ku-xigeenka 1aad, Abshir Maxamed Axmad, iyo xigeenka 2aad, Mowlid Xuseen Guhaad, ayaa qayb ka ahaa kulanka.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa akhrinta 2aad ee Hindise-sharciyeedka Batroolka oo goluhu ka yeeshey dood dheer kahor inta uusan cod u qaadin.

Sidda uu ku dhawaaqay gudoonka, markii cod loo qaadey waxaa ogolaatay 24-Senator; waxaa diiday 4-Senator, ma jirin cid ka aamustay.

Bishii May, 2019, golaha shacabka ayaa meelmariyey xeerkan oo ay kasoo horjeesteen qaar kamid ah dowlad goboleedyadda waddanka.

Maamuladda diidey hindise sharciyeedkan ayaa cuskaday in aanan laga talagelin isla markaana ay ku jiraan qodobo qaar oo u baahan in laga heshiiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM