Aqalka Sare oo ansixiyey sharci ay qaadaceen maamulada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mudaneyaasha Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah kulan ku yeeshay Muqdisho.

Fadhiga oo ay kasoo qeybgaleen inta badan xubnaha golaha ayaa waxaa gudoomiyey afhayeenka Aqalka, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Guddomiye ku-xigeenka 1aad, Abshir Maxamed Axmad, iyo xigeenka 2aad, Mowlid Xuseen Guhaad, ayaa qayb ka ahaa kulanka.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa akhrinta 2aad ee Hindise-sharciyeedka Batroolka oo goluhu ka yeeshey dood dheer kahor inta uusan cod u qaadin.

Sidda uu ku dhawaaqay gudoonka, markii cod loo qaadey waxaa ogolaatay 24-Senator; waxaa diiday 4-Senator, ma jirin cid ka aamustay.

Bishii May, 2019, golaha shacabka ayaa meelmariyey xeerkan oo ay kasoo horjeesteen qaar kamid ah dowlad goboleedyadda waddanka.

Maamuladda diidey hindise sharciyeedkan ayaa cuskaday in aanan laga talagelin isla markaana ay ku jiraan qodobo qaar oo u baahan in laga heshiiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM