Aqalka Sare oo Guddi u magacaabey xalinta Khilaafka Mooshinka Farmaajo

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabey Guddi loo xil-saarey xal u helidda Khilaafka ka taagan Gollaha Shacabka ee ka dhashay Mooshinka xilka qaadista ee laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Xoghayaha Aqalka Sare, Cali Maxamed Jaamac ayaa ku dhawaaqay magacyada Guddi xal raadinta oo ka kooban todobo xubnood oo kala ah:

1 - Senator Cabdirisaaqa Cismaan Xasan Jurille [Gudoomiye]

2 - Cabdi-Kaafi Macalin Xasan [Xubin]

3 - Cabdi Axmed Dhuxulow [Xubin]

4 - Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex [Xubin]

5 - Cabdullaahi Cabdi Garuun [Xubin]

6 - Yuusuf Geelle Ugaas [Xubin]

7 - Cabdirisaaq Axmed Cali [Xubin].

Guddigan ayaa dhex-dhexaadin doona Xildhibaanada Gollaha Shacabka ee ku kala qeybsamey Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farmaajo, kaasoo abuuray khilaaf u dhaxeeya Gudoonka Aqalka Hoose iyo Madaxda sare ee dalka.

Mooshinkan oo ay saxiixeen sida la sheegay 92 Xildhibaan ayaa waxaa gacanta ku haya Maxamed Mursal, oo hadda kasoo guurey Villa Somalia, islamarkaana degay Hotel ku yaalla nawaaxiga Garoonka diyaaradaha Muqdisho, kadib markii gurigiisa lagu go'doomiyay.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Aqalka Sare oo ay wehliyaan xubno kale ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, iyadoo booqashadiisa oo aan wali la shaacin waxay salka ku hayso ay qaadan doonto mudo maalmo ah.

Aqalka Sare ayaa wado dhex-dhexaadin kale oo uu xal ugu raadinayo khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka, waxuuna guddiga u xilsaaran waan-waanta dhawaan soo saarey warbixin uu ku sheegay in intiisa badan khilaafka la dhameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM