Aqalka Sare oo meelmariyey sharciyo ay diideen maamuladda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah fadhi caadi ah ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, afhayeenka golaha, ayaa gudoomiyey kulanka oo ay ka maqnaayeen qaar kamid ah mudaneyaasha.

Ajendaha wuxuu ahaa;

Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka iyo Akhrinta 2aad ee Hindise -sharciyeedka Duulista Rayidka

Dood iyo warbixin kadib, Xildhibaanadda ayaa cod u qaadey labadda xeer, oo ay qaadaceen qaar kamid ah maamuladda Soomaaliya.

Hindise-sharciyeedka Duulista Rayidka waxaa ogolaatay 29 mudane; ma jirin cid diidey iyo mid ka aamustay.

Xeerka Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka waxaa ogolaatay 25 Xildhibaan, iyaddoo ay kasoo horjeesteen afar kale.

Dowlad goboleedyadda diidey sharciyaddan ayaa ku cuskanaya in aan laga talagelin iyo in ay ku jiraan qabobo baalmarsan Dastuurka.

Goleyaasha sharci-dejinta Soomaaliya ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay mariyey xeerar, iyaggoo iska indha-tiray fariimaha maamulada oo ku doodaya in aan loo dhameyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM