Aqalka Sare oo su'aallo ka waydiinaya Goodax Barre hanjabadii Puntland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya ayaa shir ku leh magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

Kulankaasi oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa hortagaya Wasiirka Waxbarashada xukuumada federaalka ah, Cabdullaahi Goodax Barre.

Sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, Mr Goodax Barre ayaa wax lag waydiinayaan hadaladii ugu hanjabay dowladda Puntland.

Wasiir Goodax Barre ayaa wuxuu ku eedeeyay Puntland "in ay diiday" ka qaybgalka sanadkaan ee Imtixaanka mideysan ee wadanka.

Isaga oo la hadlayay warbaahinta dowladda ayuu ugu goodiyay Puntland in ardayda halkaasi ku gashay Imtixaanka aysan heli doonin Shahaadooyinka.

Wasaarada Tacliinta Puntland oo ka fal-celisay cagajuglaynta Goodax Barre ayaa ku tilmaamay "mid sii kala fogeynaysa Umadda Soomaaliya."

Hay’addaha kala duwan ee dowladda dhexe ayay ka codsatay in ay soo farageliyaan arrinnkaan, isla markaana xal waara laga gaaro.

Kulanka su'aallaha lagu waydiinayo Goodax Barre ayaa kusoo aadaya iyadda oo Aqalka Sare uu horey u difaacay mowqifka Puntland.

Abshir Maxamed Axmed, ku xigeenka koowaad ee afhayeenka Aqalka Sare, ayaa shaaciyay in dastuurka qabyada ah uu u ogolaanayo maamulada in ay si madax banaan u maamushaan arrimaha waxbarashadda.

Dooda u dhaxeysa Puntland iyo Wasaarada Waxbarashada Federaalka ah ayaa imaaneysa xili lagu wado in Imtixaanka Shahaadiga ay ka bilowdaan guud ahaan dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Digniin Adag usoo Diray Madaxweyne Xasan Sheekh 

Waxaa sidoo kale laga digay in taageerada beesha caalamka ay lunto haddii aan la muujin isbeddel dhab ah.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 04:53PM

Sheekh Shariif si adag uga jawaabay eedeymaha dowladda u jeedisay Mucaaradka

Xiisadda siyaasadeed ee dalka ayaa sii xumaanaysa, iyadoo mudo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh ka haray wax ka yar sanad.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 11:20AM