Aqalka Sarre oo cambaareeyay wariyeyaal lagu xiray Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Golaha Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa si adag wuxuu u cambaareeyay saxafiyiin ka tirsan hay'addo warbaahineed oo madax banaan oo lagu xiray Muqdisho.

Wariyeyaasha oo ka howlgala saddex xarun warbaahineed oo laba kamid ah ay telefishin yihiin midna Raadiya yahay, ayaa "la jirdilay xorriyaddana laga qaadey" xili ay baahinayeen banaanbax ka dhacay magaaladda.

Mudaaharaadka ayaa waxaa qaban-qaabiyey wadeyaasha gaadiidka dadweynaha kuwaas oo "ka carooday xirnaanshiyaha wadooyinka".

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in ciidamo boolis ah ay xireen warfidiyeenadda ayna burburiyeen agabkooda.

Abshir Bukhaari, ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sarre, ayaa falka ciidamadda ku sifeeyay "xadgudub ka dhan ah xorriyadda hadalka iyo xuquuqda dadku u leeyihiin in ay cabiraan waxyaabaha ka guuxaya".

"Qodobadda 18, 20, 21 & 22 [ee Dastuurka qabyadda ah] ayaa u ogolaanaya muwaadiniinta in ay muujiyaan dareenkooda, isu soo baxaan banaanbaxaan ayna gudbiyeen codsiyo sharci ah," ayuu soo dhigay Twitter-ka.

Sidda laga soo xigtay Senator Abshir, sidoo kale Dastuurka ayaa u fasaxaya muwaadiniinta in ay dhaqdhaqaaq sameeyeen, isu gudbaan ayna ka qeyb-qaataan siyaasadda guud ahaan ka jirta waddanka.

"Xuquuqaha noocaan ahi waa kuwa ixtiraam badan; kaliya ma ahan waajib in la ilaaliyo waa in la horumariyaa," ayuu hoosta ka xariiqay.

Si lamid ah qodobka 127-aad ee Dastuurka ayaa faraya hay'addaha nabad-gelyadda in ay dhowraan xuquuqdaas.

"Waxaan sidaasi awadeed ku baaqayaa in ciidamadeena ammaanka ay horumariyaan xormeeyaanna xuquuqda iyo karaamadda saxafiyiinta & xuquuqaha aas-aasiga ah ee muwaadiniinta," ayuu kusoo xiray.

Xukuumadda taladda haysa ayaa dhowr jeer ku kacday falal liddi ku ah xorriyadda hadalka iyadda oo beegsata xarumo warbaahineed iyo saxafiyiin, taas oo hay'addo kala duwan oo caalami ah ku cambaareeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM