Arab News: Lubnaan waxay ku socotaa dhabihii burburka Soomaaliya

Image

BAYTUUR, Lubnaan – Kadib qaraxyaddii boqolaalka ruux galaaftay, fashilka dhismaha xukuumadda cusub iyo soo rogaal-celinta kooxaha hubeysan, Lubnaan waxay haystaa dhabihii burburka Soomaaliya, sidda uu sheegay wargeys.

Arab News ayaa aaminsan in Lubnaan ay qarka u saaran tahay qaran burbur in ka badan dagaalkii sokeeye ee socday mudadii u dhaxeysay 1975-90.

Bishii August 4-teeda, qaraxyo ka dhacay dekadda magaala madaxda Bayruut ayaa dilay in ka badan 200, iyaddoo ay ku dhaawacmeen kumanaan kale.

Dhacdadaas lala xiriiriyey maandooyin waxyaalaha qarxa laga sameeyo oo la dhigay qol ku dhex-yaala marsada ayaa karaar-siiyey hubanti la'aanta siyaasadeed, waxaana ay kaliftay in xukuumadda ay is-casisho.

Mustapha Adib, ra'iisul wasaaraha cusub ee maalmaha kadib lasoo magacaabay, ayaa ku guuldareystay in uu soo dhiso xukuumad, waxaana arrintaas loo aaneeyay dhinacyadda iska soo horjeeda oo ku heshiiyaan waayey qeybsiga.

Isagoo soo xiganaya waaya aragnimada ay qalalaasaha siyaasadeed awadeed u burbureen dowlado ay kamid yihiin Soomaaliya iyo Venezuela, warbixinta waxaa lagu xusay in Lubnaan ay haatan taagan tahay xaalad khatar leh.

"Sikastaba, xeel-dheereyaasha siyaasadda waxay aaminsan yihiin in Lubnaan ay si fiican ugu socoto wadadii Soomaaliya taasoo kadib 1991-dii noqotay qaran burburay oo ay curyaamiyeen kooxo iska soo horjeeda iyo maleeyshiyaadka Al-Shabaab oo dagaal la galay dowladda waxaana arrintaas ka dhashay dhibaato bini'aadanimo iyo amni darro soo wajahdey gobolka Geeska Afrika," ayaa lagu qormaddan uu aragtideeda leeyahay BorofeeserDavid Romano.

Lubnaan waxaa siyaasadeeda isku haya Suni, Shiico iyo Masiixiyiin, waana meesha kaliya oo ay Soomaaliya kaga duwan tahay. Balse, waxay kala siman tahay awoodaha shisheeye ee danaha iska soo horjeeda ka leh waddankaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM