Askar ay doon kula qalibmatay Soomaaliya oo lasoo badbaadiyey

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Ciidamadda Xoogga ayaa shaaciyey in lasoo badbaadiyey saddex askar oo saarnaa doon ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda oo isbuucan ku degtay gobolka Shabeellaha Hoose.

Doonidan oo saqdii dhexe ka baxday magaalada caasimada ah ee Muqdisho kuna sii jeeday Marka ayaa siday hub. Balse waxaa la xaqiijiyey in ay ku qalib-matay meel ku dhow xeebta degmada Cadale ee gobolkaas.

Wadar ahaan askarta saarneyd oo tiradooda ay gaareysay 14 ayaa waxaa ka badbaaday 10. Afarta kale oo muddo la waysanaa waxaa soo badbaadiyey howlgalka la dagaalanka burcad-badeeda ururka EU-da.

Sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay Midowga Yurub oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online, askarta ayaa haatan ah kuwa badqaba, wallow ay u baahan yihiin tijaabooyin caafimaad.

Ciidamadda ayaa ka tirsan guutadda 14-ka October ee la sameeyay xasuuqii isgoyska Soobe ee Al-Shabaab lagu eedeeyay kaas oo galaaftay nolosha boqolaal ruux oo dhamaantooda ahaa rayid wada marayey.

Xoogaga dowladda ayaa wareegsaday gaadiidka badda markii ay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ay kordhisay qaraxyadda ay ciidamadda dowladda kula eeganayaan wadooyinka gala iyo kuwa kasoo baxa gobolada dalka.

Gobolka Shabeellaha Hoose oo hoosta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa la aaminsan yahay in uu gabaad u yahay ururkan, inkasta oo Mareykanka uu aalaaba la beegsado duqeymo lagu dilo dagaalameyaal iyo saraakiil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM