Askar horleh kana tirsan AMISOM oo loo karantiilay Coronavirus

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Sagaal askari oo ka tirsan ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee nabad-ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM ayaa loo karantiilay Coronavirus, sidda uu wariyey bogga Daily Monitor.

Deo Akiiki, ku xigeenka afhayeenka ciidanka Uganda, ayaa xaqiijiyey in askarta ay la kulmeen askarigii todobaadkii hore laga helay caabuqa dilaaga ah.

Sidda laga soo xigtay korneylka, askarta la karantiilay oo baaritaana la marsiiyey ayaa waxay sugayaan natiijadda kasoo baxda tijaabada ay mareen.

Askariga laga helay caabuqa safmarka ah ayaa ka howlgalayey dekadda magaaladda Muqdisho. Lixdii bilood ee lasoo dhaafay kama bixin waddanka.

Tani ayaa lagu macneeyay in uu gudaha ku qaadey xanuunka, balse lama ogga cidda ku daaratay iyo meesha uu ka haleelay cudurka khatarta badan.

"Dedaalo badan ayaa ka socda xeradda oo looga hortagayo faafitaan horleh oo xanuunka uu sameeyo. Muddo laba todobaad ahna waxaa go'doon la geliyey saldhiga," ayuu ku daray Akiiki oo saxaafada la hadlay.

Soomaaliya ayaa illaa iyo haatan laga diiwaan-geliyey 601 xaaladood oo ah Covid-19, dhimashaddu waxay mareysaa 28, dadka ka bogsadayna waa 31, sidda ay warbixinteeda maalinlaha ee Khamiistii ku sheegtay xukuumadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM