Askar ka tirsan NISA oo ku dhintay Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahin dheerad ah ayaa kasoo baxaysa qarax culus oo maanta duhurkii ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa haleeshay Gaari nooca Cabdi-Billaha loo yaqaano, oo ay la socdeen Askar katirsan guutada Apha Group ee Hay'add Nabad Sugida Soomaaliya, waxaana halkaasi ku dhintay saddex Askari iyo shacab ah oo wadada maryay.

Goobjooge ku sugan degaanka Weydow, oo ah halka uu qaraxa ka dhacay, ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online khasaaraha dhimashada, isagoo intaasi ku darey in ciidamada NISA ay ka yimaadeen Ballidoogle, kuna soo jeedeen Muqdisho xilliga qaraxa.

Ciidamada ayaa dhowr jiho u furey rasaas kadib qaraxa, taasoo waxyeello gaarsiisay dadkii shacabka ahaa ee goobta ku sugnaa, waxaana daqiiqado kadib soo gaarin Askar kale oo meesha kasoo qaadey meydadka Askartii geeriyootey iyo kuwa dhaawaca ah.

Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa inta badan ka dhaca qaraxyada noocan ah, ee lala eegto gaadiidka ciidamada dowladda Soomaaliy iyo kuwa AMISOM, waxaana ka dhasha khasaarooyin kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM