Askar katirsan Jubbaland oo Qarax lagu dilay [Fahfaahin]

Image

AFMADOW, Somalia - Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in maanta oo jimco ah ciidamo katirsan maamulka Jubbaland qarax khasaaro xooggan geystay lagu eegtay duleedka degmada Afmadow.

Qaraxa oo ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa lala eegtay Kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada xilli ay marayeen inta u dhaxeysa Afmadow iyo Dhoobley, sida ay dadka degaanka u sheegeen Warsidaha Garowe Online.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu burburiyay gaari Cabdi-Bille ah, oo ay saarnaayeen Askarta, kuwaasoo ka yimid dhanka Dhoobley, kuna sii jeeday Afmadow, oo labaduba ay yihiin degmooyin Jubbaland hadda gacanteeda ku jira.

Inta la xaqiijiyay 8 Askari ayaa ku dhimatay qaraxa, waxaana dhaawac uu kasoo gaarey qaar kale.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka, iyadoo war kasoo baxay kooxda lagu sheegay in 19 askari ay ku dhinteen qaraxa miino ee saaka ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, inkastoo khasaarahan ay Saraakiisha Jubbaland beeniyeen.

Weerarkan ayaa yimid kadib markii dhawaan uu Madaxweyne Axmed Madoobe safaro shaqo ku tagey degmooyinka Afmadow iyo Dhoobley, isagoo halkaasi kula kulmay dadka degaanka, Odayaasha iyo Saraakiisha ciidamada maamulkiisa.

Al Shabaab ayaa weerar dhanka cirka ah oo Mareykanka ka fuliyay meel ku dhaw degmada Jilib sabtidii lasoo dhaafay sheegay inuu ku dilay 52 xubnood oo kamid ahaa Kooxda, kuwaaso ku nafawaayay gantaal lagu dhuftay gaari weyn oo ay la socdeen.

Al Shabaab maamusho dhul ballaaran oo kamid ah Jubbaland, oo uu kamid yahay Gobolka Jubbada Dhexe oo guud ahaantiisa ay gacanta ku hayso, iyadoo degaannada ku dhaw Kismaayo ku weerarto ciidamada, Jubbaland, DFS iyo kuwa Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM