Askar ku dhega-beeshay qaraxyada Al-Shabaab oo qalab la siiyey

Image

KAMPALA, Uganda – Illaa iyo 23 askari oo u dhashay waddanka Uganda ayaa la siiyey qalab u sahlaya in ay si hagaagsan wax u maqlaan kadib markii ay ku dhega-beeleen qaraxyadda Al-Shabaab.

Askartaan ayaa qeyb ka ahaa Howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya ee Midowga Afrika ee loosoo gaabiyo magaca AMISOM.

Hay'adda Wax-maqlidda ee The Starkey Hearing Foundation ayaa balanqaadey in ay askartaan si bilaash ku siin doonto dhamaan adeegyadda muhiimka u ah inta ay kasoo kabanayaan.

Qaar kamid ah askarta la siiyey qalabka oo dareen farxadeed muujiyey ayaa tilmaamay in ay dhibaatadu kasoo gaartay weerar loo adeegsaday qarax gaari oo ka dhacay koonfurta Soomaaliya.

"Marka ay saaxiibadey hadlayaan ma fahmi karo, marka laga reebo in aan aqoonsado xiliga ay dibnaha kala qaadaan," ayuu yiri mid kamid ah askarta oo magaciisa la qariyey.

Uganda ayaa kamid ah dalalka ay askarta ugu badan ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo qorshuhu yahay in bisha June ee sanadkan 2020-ka laga dhimo illaa iyo kun askari, sidda la sheegay.

Sidda ku xusan warbixin kasoo baxday Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee WHO, 360 milyan qof oo dhaqan daafaha caalamka ayaa la il-daran dhibaatooyin maqal oo ka dhashay weerarada qaraxyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM