Askar ku dhega-beeshay qaraxyada Al-Shabaab oo qalab la siiyey

Image

KAMPALA, Uganda – Illaa iyo 23 askari oo u dhashay waddanka Uganda ayaa la siiyey qalab u sahlaya in ay si hagaagsan wax u maqlaan kadib markii ay ku dhega-beeleen qaraxyadda Al-Shabaab.

Askartaan ayaa qeyb ka ahaa Howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya ee Midowga Afrika ee loosoo gaabiyo magaca AMISOM.

Hay'adda Wax-maqlidda ee The Starkey Hearing Foundation ayaa balanqaadey in ay askartaan si bilaash ku siin doonto dhamaan adeegyadda muhiimka u ah inta ay kasoo kabanayaan.

Qaar kamid ah askarta la siiyey qalabka oo dareen farxadeed muujiyey ayaa tilmaamay in ay dhibaatadu kasoo gaartay weerar loo adeegsaday qarax gaari oo ka dhacay koonfurta Soomaaliya.

"Marka ay saaxiibadey hadlayaan ma fahmi karo, marka laga reebo in aan aqoonsado xiliga ay dibnaha kala qaadaan," ayuu yiri mid kamid ah askarta oo magaciisa la qariyey.

Uganda ayaa kamid ah dalalka ay askarta ugu badan ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo qorshuhu yahay in bisha June ee sanadkan 2020-ka laga dhimo illaa iyo kun askari, sidda la sheegay.

Sidda ku xusan warbixin kasoo baxday Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee WHO, 360 milyan qof oo dhaqan daafaha caalamka ayaa la il-daran dhibaatooyin maqal oo ka dhashay weerarada qaraxyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM