Askar lagu dilay qarax ka dhacay duleedka caasimada Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Tafaasiil dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax Miino oo maanta ka dhacay inta u dhaxeysa isgoyska Xoosh iyo Ex-kontarool Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa lagu waramayaa in lala eegtay gaari ay la socdeen askar ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in burbur xoogan oo soo gaarey gaariga uu ka dhashay qaraxa oo dhawaqiisa aad loo maqlay.

Mas'uuliyiinta degmada Dharkeenlay ayaa xaqiijiyey in ay weerarkaas ku geeriyoodeen saddex askari.

"Tirro kale waxaa la dhigay Isbitaalka halkaasoo xaaladooda lagula tacaalayo," ayuu yiri mas'uul amniga qaabilsan.

Al-Shabaab ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda qaraxa, iyagoo ka sheegtay guulo ay kamid tahay dil iyo dhaawac.

Sikastaba ha ahaatee, qaraxaan ayaa kusoo aadaya iyaddoo isgoysyada waaweyn ee magaalada laga soo galo ay ku sugan yihiin ciidamo kuwaasoo la sheegay in ay ka shaqeynayaan xaqiijinta amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM