Askari ka tirsan AMISOM oo laga helay xanuunka Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Askari ka tirsan ciidamada AMISOM una dhashay dalka Uganda oo ku sugan Soomaaliya ayaa lagu waramay in laga helay xanuunka dilaaga ah ee Covid19.

Idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa illo wareedyo kasoo xigatay in askarigaasi uu ka hawlgalayey dekedda Muqdisho oo dhaq-dhaqaaqeedu badan yahay.

Sidda ay wararku sheegayaan, Askarigan ayaa nan ka bixin Soomaaliya lixdii bilood ee lasoo dhaafay, taas oo ka dhigan in caabuqa uu ku haleelay  gudaha waddanka.

Inta illaa iyo haatan la og-yahay, waa askarigii ugu horreeyey ee ka tirsan howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ee uu soo rito fayruskaas safmareenka ah.

"Illo ka titrsan AMSOM oo diiday in magacooda la sheego ayaa intaasi ku daray in hawlagalka AMISOM uu qaaday tallaabooyin caafimaad oo uu ka dhaqangeliyey xarunta hawlgalka AMISOM iyo xarumaha kale ee ciidamada oo ay ka mid yihiin wacyigelin, goobo biyaha faraxalka laga helo, saabuun iyo weliba goobo lagu karantiilo dadka looga shakiyo xanuunka," ayaa lagu yiri warbixinta VOA-da.

Soomaaliya ayaa waxaa guud ahaan laga diiwaan-geliyey 528 kiis oo Coronavirus ah, iyo dhimashada 28 qof oo cudurkaas u geeriyooday, waxaana ka caafimaadey 18 kale.

Dhinaca kale, wasaaradda caafimaadka dowlada federaalka ah ayaa nan wali ka hadlin warkaan, wallow xiriiro uu warsidaha Garowe Online la sameeyay ay ku xaqiijiyeen arrinkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM