Askari khaarijiyey arday ku dhawaaqaya "ha idilin" oo la xukumay

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamada Ciidamada Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah waxay dil toogasho garka u gelisay askari ka tirsanaa xoogaga booliska.

Dable Baashi Mustaf Cumar [Dhaqane] ayaa waxaa lagu soo eedeeyay in uu 26-kii July sanadkan 2019 uu degmada Xamar-jabab, gobolka Banaadir ku dilay arday.

Laamaha ammaanka oo isla goobta ku qabtay dhigayna xabsiga ayaa waxay muddo kadib ku wareejiyay xeer-ilaalinta oo ka gedaal maxkamadeynta bilowday.

Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud, oo dhiganayey dugsi, ayaa xiliga uu falku dhacayey ku dhawaaqay "ha idilin" sida ay ku marag-fureen laba marqaatiyeyaal.

Xeer-ilaalinta oo xukunka dil toogashada soo jeedisay ayaa waxay kusoo oogtay Dhaqan inuu "ku xadgudbay sharafka ciidanka iyo ilaalinta muwaadinka".

Qareenada difaacaya oo qiray in kal-yeenitooga uu falku ku kacay ayaa waxay u dalbeen naxariis maadaama "uu ahaa qof aan miirkiisa joogin" oo maan-dooriye adeegsaday.

"Go’aanka Maxkamadda waxaa ka furan rafcaan muddo ku siman bil," ayuu yiri Xasan Cali Nuur Shuute, gudoomiyaha xeer-beegtadda, oo xukunka shaaciyay.

Askarta Soomaaliya ayaa meelo kala duwan ee dalka ah dilal iyo dhaawacyo ugu geysta rayidka, waana naadir in cadaalad ay helaan dhibaneyaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Beesha Caalamka oo ka Dooday Cunaqabatayn iyo Isbeddel Siyaasadeed iyadoo Xiisadda Soomaaliya Sii Kordhayso

Qodobada miiska saarnaa ayaa waxaa ka mid ahaa suurtagalnimada in la tixgeliyo siyaasadda World Bank ee loo yaqaan OP 7.30.

  • Soomaliya

    07-05-2026

  • 11:27AM

Mucaaradka oo Abaabulaya Kacdoon Shacab xili barakicinta dagaal isku bedeshay

Saacado kadib markii mucaaradka iclamaaliyay kacdoonka shacab, xaafadda Warlaliska oo degmada Deyniile katirsan.

  • Soomaliya

    06-05-2026

  • 09:30PM