Askari ku lug-yeeshay dil qof shacab ahaa loogu geystay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Askari ka tirsan ciidamadda dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu waramay in uu ku lug-yeeshay dil xalay ka dhacay xaafada Warshada Caanaha, degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in askariga uu rasaas ku furay Mooto uu la socday dhibanaha, taas oo sababtay geerida qof shacab ah oo saarnaa. Marxuumadda waxaa lagu sheegay gabar la yiraahdo Xamdi C/llaahi.

Gacan ku dhiiglaha ayaa lasoo wariyey in uu ka baxsaday meesha uu falku ka dhacay oo ay soo gaareen ciidamo ka akdhowaa. Balse, howlgal la sameeyay waxaa lagu guuleystay in lasoo qabto.

Illaa iyo haatan lama ogga sababta keentay in askariga uu rasaaseeyo Mootadda oo ah nooca ay Soomaalida u taqaano Bajaajta.

Laamaha ammaanka xukuumadda federaalka ah ayaanan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadaan oo kamid noqoneysa kuwa soo laab-laabtey oo waliba xoogeystay bilooyinkii aynu kasoo gudubnay.

Marxuumadda ayaa kusii jeeday hoygeeda isla markaana ay ka timid goobteeda shaqo oo ah Salon – Goobaha dumarka lagu qarxiyo.

Ku dhowaad saddex qof oo rayid ah ayaa kaliya bishaan June sababsaday gacanta ciidamadda dowladda, badankooda waxaa loo dilay lacago laaluush ah oo ay diideen in ay bixiyaan, qaarkood waa maxkamad sugayaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM