Askari lagu eedeeyay dilka Somali-Canadian oo maxkamad lasoo taagayo

Image

TORONTO, Canada – Sarkaal ka tirsan bileyska magaalada Ottawa ee dalka Canada ayaa qorshuhu yahay in 6-da bisha July sanadkan 2020 uu kasoo muuqdo maxkamad isagoo loo haysto dilka Soomaali-Canadian.

Falkaas oo dhacay 24-kii July 2016-kii ayaa sababay banaanbaxyo balaaran oo cadaalad loogu dalbay Cabdiraxmaan Cabdi oo qoyskiisu sheegeen in madaxa looga jiray isla markaana caafimaadkiisu taam ahayn.

Sidda ay wararku sheegayaan, geerida Cabdiraxmaan ayaa ka dambeysay ciidanka booliska oo loogu yeeray maqaaxi la xusay in uu ka dhacayey xadgudub; marxuumka ayaa kadib cararay, waana lasoo qabtay.

Booliska ayaa qoorta dhulka ugu qabtay Cabdi, waxayna u geysteen jirdil iyo garaacis sababtay in ay jabaan qaar kamid ah lafaha jirkiisa. Saacado kadib, waxaa lasoo wariyey in uu u dhintay wadno xanuun.

Daniel Montsion, oo ah sarkaalka wajahaya maxkamadeynta, ayaa dhageysiga ay u tahay fursadii ugu dambeysay, taas oo ka dhigan in xukunka garsooreyaasha uu soo bixi doono kadib gal-maqalka oo 3 maalmood ah.

Dacwad-oogeyaasha iyo qareenada difaacaya eedeysanaha ayaa maalmahaas kasoo muuqan doono xeer-beegtadda si doodahooda u difaacdaan xilli Montsion lagu soo oogay dacwad ah in uu dil bareer ah ku kacay.

Bishii April ayaa qorshuhu ahaa in dib loo bilaabo dhageysiga kiiska, hase ahaatee, waxaa dib loogu dhigay safmarka dilaaga ah ee Coronavirus dartiis.

Kolkaan, sidda xogta muujineyso, dhageysiga dacwadda waxaa maxkamadda kaliya loo ogol-yahay in ay kasoo muuqdaan garsooreyaasha iyo sarkaalka.

Canada oo ay ku nool yihiin Soomaali badan oo dalka hooyo uga qaxay dagaalada iyo falal ay ka dambeeyaan kooxaha argagixisada ee dilka iyo qaraxyadda ah ayaa xiliyadda qaar tacadiyo kala kulma ciidanka booliska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM