Askari Muqdisho ku dilay saddex ruux oo walaalo ah oo la xukumay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamad militeri oo ku taalla Muqdisho, ayaa maanta oo Sabti ah dil toogasho ku xukuntay askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

Dable Xaashi Cali Maxamuud oo qirtay in uu falka sameeyay 17-kii June sanadkii hore 2018 ayaa wuxuu ku doodey in ay isku qabteen muran dhuleed.

Warbaahinta ku hadasha afka xeer-beegtadda ayaa ku warameysa in marqaatiyeyaal la horkeenay maxkamadda ay gaashaanka ku dhufteen sheegashadaasi.

Marxuumiinta oo walaalo ahaa ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay; Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar.

Dilka raggan oo carro ay ka dhalatay waqtigaasi ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda Gumarey, degmadda Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Xafiiska xeer-ilaalinta ayaa sidoo kale kusoo eedeysay Maxamuud in uu iibsaday qorigii ay dowladdu u iibisay; inuu isku day inuu sharciga ka baxsado.

Qareenadda eedeysanaha, kaasoo lasoo qabtay maalmo kadib markii uu falku ku kacay, una dalbey kalyeenitooda naxariis ayaa soo jeediyay in lagu xukumo xukun xabsi ah.

Hasa ahaatee, dacwad oogeyaasha oo soo jeediyay in dil toogasho garka loo geliyo ayaa ku adkeysatay in uu "dambiga galay isaga oo maankiisa taam-yahay".

Ugu dambeyntii, garsooreyaasha maxkamadda milatariga ayaa ku dhawaaqay in uu rafcaan muddo bil ah uu ka furan yahay go’aanka ay ka qaadatay kiiskan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM

Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay xayiraadda Baasaboorka Taiwan Iyadoo uu Cadaadis Saaray Mareykanka

Taiwan iyo Somaliland labaduba waxay sheegtaan inay yihiin dalal madax bannaan — mid ka go’ay Shiinaha iyo mid ka go’ay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 01:30PM