Askari Muqdisho ku dilay Wiil dhalinyaro ah oo aroos ku jiray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Askari katirsan ciidamada booliska dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay gelinkii dambe ku dilay magaaladda Muqdisho wiil dhalinyaro ah, oo ku jiray bisha balabka [Aroos].

Cabdiwaaxid Jibriil Afrax oo da'da 20-tameeyadda ku jiray ayaa lagu toogtay Isgoyska Taleex ee degmada Hodon, waxaana Askariga falkan geystay la sheegay inuu goobta ka baxsaday.

Marxuumka ayaa watey Mooto Bajaaj, taasoo uu nolosha qoyskiisa ku maareyn jiray, waxaana wararku ay sheegayaan in xilliga la dilayay ay wadada u xirnayd ciidamada dowladda Soomaaliya.

Qoyska Cabdiwaaxid ayaa sheegay in Wiilkooda uu ku jiray maalintii saddexaad ee arooskiisa, waxayna ka dalbadeen dowladda in Askariga dilay lasoo qabto islamarkaana la marsiiyo cadaaladda.

Waa dilkii ugu dambeeyay oo wadiyaasha bajaaj-ta loogu geysto Muqdisho, iyadoo laamaha amaanka caasimadda ay ka gaabiyeen inay kahor tagaan falalkan dilka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM