Askari saaxiibkiis ku toogtay Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Iyadoo dilalka ay ku lug-yeeshaan askarta ay kordheen, fal kale oo naxdin ah ayaa laga soo wariyey degmada Dharkeenlay ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Habeenimadii Talaadada, 28-ka Janaayo, 2020, askari ayaa la sheegay in uu xaafada Kaawo Godey ku dilay wiil ay saaxiibo ahaayeen kaasoo magaciisa lagu soo gaabiyey Munasar.

Toogashada ayaa ka dhacday goob bulsho ah, sidda ay sheegeen goobjoogeyaal kala duwan oo meesha ay ka dhaceen ka akdhowaa.

Illaa iyo haatan ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa khaarijinta oo lagu tilmaamay in ay ahayd mid ku dhacday "si lama filaan ah".

"Marxuumka wuxuu askariga, oo ay saaxiibo ahaayeen, isugu duubay si kalsooni leh isagoo kaga yimid gedaal," ayuu yiri goobjooge ka gaabsaday magaciisa sababo ku aadan in uu u baqayo naftiisa.

Wuxuu ku daray: "Kadib askariga wuxuu lasoo baxay Bastoolad, isagoo aan hubsan qofkuu yahay ayuu xabada ku dhuftay isla meesha ayuuna ku geeriyoodey".

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku warantay in ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo meesha ay wax ka dhaceen tagay ay xireen askariga, oo wajahaya su'aalo waydiin.

Munasar, oo ahaa wiil dhalinyaro ah isla markaana ku biiray liiska da'yarta ku baxay gacanta ciidamada qalabka sidda, ayaa la tibaaxay in uu ka shaqeynaayey Maktabad lagu iibiyo Buugaagta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cabdirisaaq Khaliif: Firdhiye wuxuu katirsan yahay xisbiga Xasan Sheikh, DFS ayaana dhisaysa

Cabdirisaaq ayaa si xooggan u beeniyay warar sheegaya in ololihiisa doorashada uu ka helayo taageero maamulada Somaliland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 08:28AM

Ciidanka Soomaaliya oo La Wareegay Deegaano Muhiim ah oo Ka Tirsan Shabeellaha Hoose

Ciidamada ayaa sidoo kale nadiifiyay qaraxyo dhulka lagu aasay (miinooyin iyo waxyaabaha qarxa ee Al-Shabaab ay dhigeen).

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 05:18AM