Askarta loo diray Eritrea oo bilaabay in ay soo baxsadaan

Image
Image

GAROWE, Puntland - Askarta uu maamulka waqtiga ka dhacay ee Farmaajo uu tababarka sida qarsoodiga ah ugu diray dalka Eritrea ayaa waxaa muuqaneysa in ay bilaabeen in ay soo baxsadaan.

Dowlada Puntland ayaa Khamiista maanta ah waxay Garowe kusoo bandhigtay shan kamid ah dhalintaas kuwaasoo u waramay warbaahinta kana xog-waramay safarkooda iyo qaabkii lagu duufsaday.

Iyaga oo xaqiijiyey in ay la hadleen waalidiintooda, da'yarta lasoo bandhigay ayaa waxaa kamid ah Zakariye Bile Xasan, Cusmaan Xasan, Cabdimaalik Cabdullaahi iyo Aadan Cabdi.

Dhalinyarada oo fahfaahiyey qaabka ay u soo goosteen ayaa tibaaxay in ay kasoo talaabeen xuduudka Itoobiya ay la wadaagto Eritrea. Safarkooda ayay xuseen in uu ahaa mid dhulka ah.

Mudadii ay ku sugnaayeen Eritrea ayay caddeeyeen in la geeyay saddex xerro kala duwan halkaasoo ay kusoo qaateen tababar ku saabsan milatariga, booliska iyo kumaandooska.

"Dhibaatooyin badan ayaan soo marnay waxaa kamid ah tababarka oo nagu adkaadey, daawo la'aan iyo waxyaabo kale," ayuu yiri Cusmaan oo kasoo jeeday degmada Qoryooley, gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida ay muujinayaan macluumaadyadda, wadarta askarta loo qaadey Eritrea ayaa waxay u dhaxeysaa 5,000 illaa 7,000 kuwaasoo ay da'doodu u dhaxeyso 18-sano jir illaa 25-sano jir.

"Anigoo lasoo kulmay silac badan, jirdil iyo rafaad, waxaan u mahadcelinayaa dowladda Puntland oo si weyn i soo dhaweysay," ayuu hadalkiisa ku daray Cabdimaalik oo qoyskiisu degan yihiin Muqdisho.

Madaxweynaha xilheyntiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Farmaajo oo askarta booqdey ugu yaraan hal jeer ayaa la rumeysan yahay in uu lahaa fekerka in Eritrea ay askar u tababarto Soomaaliya.

"Illaa hadda rag baa waxba arkin oo dhul hoostiisa ku jira. Annaga caruur ayaan ahayn waxaa la qaldey ninka la yiraahdo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Fahad Yaasiin. Markaa waxaan ka codsaneynaa dowladda Soomaaliyeed in dadkaas ay si deg-deg ah meesha uga soo waddo una soo badbaadiso," ayuu hadalkiisa ku daray Cabdimaalik.

Aadan oo tibaaxay in kalkii hore lagu qaldey in loo qaadayo Qadar ayaa carabka ku adkeeyay in qaarkood ka dirireen waqoyga Itoobiya si gaar ah gobolka Tigray halkaasna ku waayeen saaxiibo badan.

Soo bandhigda shantan dhalinyaro ayaa dab kusii shiday kiiskan oo todobaadkan cirka isku sii shareeray markii Qaramada Midoobay ay xaqiijisay in ay la dagaalameen Tigray, wallow dowladdu dafirtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM