Axmed Madoobe: Bu'aale waa la xoreyn doonaa wakhtiyada dhow

Image
Madaxweynaha Jubaland ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad tababar loogu soo xiray 150 askari.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], ayaa Sabtida maanta ah waxa uu tababar u soo xiray dufcada lixaad ee Ciidamada Booliska Jubaland oo qaatay tababar kala duwan.

Dufcadan oo ka kooban qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska gaar ahaan qeybta ka hortaga danbiyada, danbi baarista, ka hortaga rabshadaha iyo Booliska Sida gaarka ah u tababar ayaa gaaraya 150 askari iyadoo maanta tababarka loogu soo xiray Akadeeniyada Ciidanka Booliska Jubaland ee gobolka Jubada Hoose.

"Ciidamadan ayaa loogu tala galay inay la wareegan amniga deeganada laga xoreeyay kooxaha Argagixisada ah ee howglgalka ka dhanka ah ay wadaan Ciidamada kala duwan ee Jubaland iyo ciidamada xooga dalka," ayuu yiri xafiiska Axmed Madoobe.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Howlgalka lagu xoraynayo deegaanada Jubaland ee dhawaan bilowday ayaa ilaa hada lagu xoreeyay Deegaanada Aw qumbaale, Shandarmood, Ceelcad, Gubakibir, Canjeel iyo Janaa Cabdalle iyadoo Ciidamadan ay durba ka howlgali doonan deegaanadaas ay xoreeyeen Ciidamada qalabka Sida.

Axmed Madoobe ayaa sheegay "in howlgalada bilowday ay sii socon doonan isla markaan laga xorayn doono dhammaan deegaanada Jubaland gaar ahaana magaalada caasimada ah ee Bu’aale wakhtiyada dhow".

Ciidamadan ayuu carabka ku adkeeyay in ka howlgali doonan dhammaan deeganadii u danbeeyay ee laga xoreeyay Kooxda Khawaariijta ah isla markana ay kala wareegi doonan masuuliyada sugida amniga Ciidamada qalabka Sida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM