Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya
WASHINGTON — Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya u masaafurisay sagaal nin oo Soomaali ah oo muddo ku dhow bil lagu hayay xabsiga Guantanamo Bay ee dalka Cuba, sida ay sheegtay Sahan Journal. Saddex ka mid ah ragga ayaa hore ugu noolaa gobolka Minnesota ee Mareykanka.
Ragga ayaa lagu qaaday diyaarad gaar loo kireystay, waxaana safarkooda ku jiray joogsiyo ay ku sameeyeen Puerto Rico, Dakar iyo Nairobi, ka hor inta aysan gaarin Muqdisho. Qaar ka mid ah dadka la masaafuriyey ayaa sheegay in lagu wargeliyey safarka wax yar ka hor inta aan la dhoofin, isla markaana lagu xiray silsilado intii ay safarka ku jireen.
Adam Mohamed Abdullah, oo 31 jir ah kana mid ah dadka la soo celiyey, ayaa sheegay in noloshiisa ay si weyn isu beddeshay kaddib masaafurintiisa. Wuxuu sheegay inuu hadda wajahayo caqabado dhaqaale iyo sidii uu dib ugu bilaabi lahaa noloshiisa Muqdisho.
Hassan Abtidoon, oo sidoo kale ka mid ah ragga la masaafuriyey, ayaa sheegay inuu saacado ku xayirnaa garoonka diyaaradaha Muqdisho markii uu dalka yimid, kaddib markii ay saraakiisha Mareykanku ka qaateen taleefankiisa iyo lacag uu watay.
Mid ka mid ah ragga kale, Abdullahi Jamal Abdi, oo 42 jir ah, ayaa Mareykanka ku yimid isagoo qaxooti ah xilli uu jiray siddeed sano. Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.
Qareenno u doodayay qaar ka mid ah raggan ayaa sheegay in tallaabada masaafurinta ay timid iyadoo dowladda Mareykanku dardargelinayso howlgallada masaafurinta. Arrinta ayaa sidoo kale dhalisay walaac ku saabsan xaaladda dadka lagu hayo xarumaha socdaalka iyo isticmaalka Guantanamo Bay ee lagu hayo dadka la xiriira kiisaska socdaalka.
GAROWE ONLINE