Kosovo oo dowladda Soomaaliya weydiisatay halka ay ku sugan yihiin xubno la socday wafdi booqday dalkaas
MUQDISHO — Dowladda Kosovo ayaa si rasmi ah dowladda Federaalka Soomaaliya uga dalbatay inay caddeyso halka ay ku sugan yihiin iyo xaaladda sagaal xubnood oo ka tirsanaa wafdi Soomaaliyeed oo booqasho ku tegay magaalada Pristina, kuwaas oo la waayay kaddib markii ay si lama filaan ah uga baxeen hoygii loo diyaariyay.
Warqad diblomaasiyadeed oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta Kosovo u dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya 30-kii Oktoobar 2026, ayay ku muujisay walaac xooggan oo ku saabsan xaaladda sagaalka qof, iyadoo sheegtay inaan weli la hayn xog rasmi ah oo xaqiijinaysa halka ay joogaan, xaaladdooda iyo inay dalka ka baxeen iyo in kale.
Warqadda oo ka kooban laba bog, laguna qoray qaabka diblomaasiyadeed ee loo yaqaan Note Verbale, ayaa sidatay tixraaca No. 4868-561/26.
Sida ku cad warqadda, wafdiga Soomaaliya ayaa Kosovo gaaray 25-kii Oktoobar 2026, abaare 7:45 fiidnimo, iyagoo saarnaa diyaarad ay leedahay shirkadda Turkish Airlines.
Wafdiga waxaa hoggaaminayay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, Saciid Maxamed Maxamuud, iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha, Fartuun Cabdqaadir Faarax, waxaana la socday xubno kale oo ka tirsan wafdiga.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kosovo ayaa sheegtay in sagaalka qof ay ahaayeen xubno kale oo wafdiga la socday, kuwaas oo magacyadooda ay ku diiwaangeliyeen waaxda hab-maamuuska dowladda Kosovo.
Warqaddu waxay faahfaahin ka bixisay in 28-kii Oktoobar, xilli la diyaarinayay barnaamijyadii wafdiga iyo safarkooda garoonka diyaaradaha, ay waaxda hab-maamuuska ogaatay in sagaalka qof ay habeenkii 27-ka Oktoobar, abaare 7:10 fiidnimo, ka baxeen hoygoodii oo lagu magacaabo Dua Village.
Sagaalkan qof ayaa la sheegay inay hoyga ka tageen iyaga oo aan wax ogeysiin ah siin masuuliyiintii dowladda Kosovo ee qaabilsanaa la socodka iyo hab-maamuuska wafdiga.
Wasaaradda ayaa sheegtay in xog hordhac ah ay muujinaysay in xubnahan ay iskood uga baxeen hoyga, isla markaana laga yaabo inay u safreen meel kale oo ka baxsan Kosovo. Hase yeeshee, waxay caddeysay in xogtaasi aysan ahayn xaqiijin rasmi ah oo muujinaysa halka ay joogaan ama inay dhab ahaan dalka ka baxeen.
Warqadda ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in waaxda hab-maamuuska Kosovo ay isku dayday inay xog ka hesho wakiillada wafdiga Soomaaliyeed, balse aysan ku guuleysan inay hesho faahfaahin cad oo ku saabsan halka ay ku sugan yihiin sagaalka qof.
Dowladda Kosovo waxay xaqiijisay in Wasiiru-dowlaha Saciid Maxamed Maxamuud uu dalka ka baxay 28-kii Oktoobar, halka Wasiir-ku-xigeenka Fartuun Cabdqaadir Faarax ay iyaduna safartay isla maalintaas.
Hase yeeshee, sagaalka xubnood ee kale ayaan iman qeybta VIP-da ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Pristina, halkaas oo la filayay inay ka raacaan diyaaraddii loogu talagalay safarkooda.
Kosovo ayaa sheegtay in markii warqadda la diyaarinayay aysan hayn wax xaqiijin ah oo ku saabsan halka ay sagaalka qof ku sugan yihiin, xaaladdooda sharci ee joogitaanka ama inay ka baxeen dhulka dalkaas.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kosovo ayaa dowladda Soomaaliya ka codsatay inay caddeyso duruufaha keenay in xubnahaasi ay ka baxaan hoygooda, isla markaana ay bixiso xog rasmi ah oo ku saabsan halka ay joogaan iyo xaaladdooda.
Waxay sidoo kale Muqdisho ka codsatay in masuuliyiinta ay khusayso ee Kosovo iyo waaxda hab-maamuuska si rasmi ah loogu wargeliyo wixii isbeddel ah ee ku yimaada qorshaha safarka, joogitaanka iyo bixitaanka xubnaha wafdiga.
Dhacdadan ayaa la sheegay inay cawaaqib siyaasadeed ka dhalisay Soomaaliya, iyadoo laba wasiir oo ka tirsan dowladda Federaalka xilalka laga qaaday, kaddib markii lagu eedeeyay inay lacag ku beddesheen fududeynta fiisooyinka iyo safarka dhalinyaradan.
Eedeymaha ayaa sheegaya in dhalinyarada loo diiwaangeliyay shaqaale dowladeed, laguna daray wafdiga rasmiga ah si ay ugu fududaato helitaanka fiisooyinka iyo safarka dibadda. Hase yeeshee, warqadda Kosovo laguma xusin wax lacag ah, iibinta fiisooyinka ama ku lug lahaanshaha wasiirro Soomaaliyeed.
Dhanka kale, ilo xog-ogaal u ah arrintan ayaa sheegaya in sagaalka qof ay markii dambe u safreen dalal kale, halkaas oo ay ka dalbadeen magangelyo. Si kastaba, lama xaqiijin dalalka ay tageen iyo xaaladdooda socdaal ee hadda.
Warqadda Kosovo ma xaqiijinayso inay sagaalka qof magangelyo dalbadeen ama ay galeen dal kale, balse waxay si cad u muujinaysaa in dowladda Kosovo ay ku guuldarreysatay inay ogaato halka ay ku sugan yihiin kaddib markii ay ka baxeen hoygoodii Pristina.
Dhacdadan ayaa dhalisay su'aalo la xiriira habka loo soo xulo xubnaha wafdiyada dowladda, maareynta safarrada rasmiga ah iyo suurtagalnimada in nidaamka wafdiyada dibadda loo adeegsado dano gaar ah.
Warqadda diblomaasiyadeed waxay si gaar ah u xaqiijinaysaa in sagaalka qof ay hoygooda ka baxeen 27-kii Oktoobar, abaare 7:10 fiidnimo, ayna ka baaqdeen safarkii garoonka diyaaradaha 28-kii Oktoobar, iyadoo Kosovo aysan weli hayn xog rasmi ah oo ku saabsan halka ay ku sugan yihiin.
GAROWE ONLINE