Axmed Madoobe: Dadka qandhada hadda haysa waa doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ajendaha qof walba oo Soomaali ah uu haatan u dheg-raaricinayo waa qabsoomida doorashooyinka soo aadan ee 2020-21, sidda uu ka sheegay madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam.

Axmed Madoobe oo Muqdisho kaga qeybgalay munaasabad qado sharaf ahayd ayaa adkeeyay coddeynta soo aadan oo xiligeeda ku dhacda ay muhiim u tahay kala dambeynta iyo xasiloonida dalka.

Madaxda maamulada ka maqan wadahadalada Muqdisho ee kala ah Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ayuu cod dheer ugu baaqay in ay kusoo biiraan wada-xaajoodyadda Muqdisho.

Gogosha taala caasimada Soomaaliya ayuu ku nuux-nuux saday in ay sideedii u taaleyso, isagoo meesha ka saarey in dib loogu laaban doono magaala madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb.

"Dadka hal boog baa kuwada taala, doorasho, nin shaar toshay iyo mid is-diyaarinaya. Doorashada kuma eka madaxweynaha kaliya Xildhibaanada oo dhan nimanka leh meel baan geysanayaa kursi walba nin baa ku daba qoran. Doorashadaa dad leeyihiin hala dheereeyo, dadna ay leeyihiin hala soo dedejiyo kuraasta oo dhan waa la isku wada haystaa. Dadka oo dhan qandhada haysa waa doorashada," ayuu yiri.

Socdaalkooda Muqdisho ayuu carabka ku dhuftay in uu salka ku hayo xal laga gaaro arrimaha doorashooyinka, isagoo ka dhawaajiyey in ay sii joogayaan inta heshiis mideysan laga gaarayo.

"Hadaan hadda tiraahdaan Dhuusamareeb hala aado, kala qabtaayda way fogaaneysaa, wax badaanna oo wadahadal ma jiri karaan, halkaan [Muqdisho] dad xaajada galaa jooga, markaan qoladaan hadda Dhuusamareeb geel baa ku xiran leh; geela idin kaaga idin kaga imaaneynaayee, meel kasta hala tago muhiimadu waxay tahay danta loo yimid in la gaaro la iskuna tanaasulo, tanaasulkana waxaa asal u ah in dadka waxay ku balameen sidii loogu balaamay in uu u hirgalo," ayuu tilmaamay.

Wadashaqeynta shacabka iyo hay'adda nabad-gelyadda ee dowlada federaalka si lamid ah istaraatiijiyad degan ayuu xusay in lagu xaqiijin karo amniga Muqdisho.

Metelaada gobolka Banaadir ayuu ka shanqariyey in loo maro habka ku cad dastuurka, isagoo meesha ka saarey in ay jirto cid diidan, isagoo taageeray in magaala madaxda uu samata bixin karo hogaamiye lasoo doortey.

Dooda maqaamka Muqdisho ayaa mar walba xoog-sata marka la gaaro dhamaadka muddo xileedka madaxda dowladda federaalka, waxaana ugu wacan siyaasiyiinta oo qaarkood ay ku oor-kacsadaan, qaar kale ay cod ku raadiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM